Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallimow: Laga noqon mayo go’aannadii ay gaareen guddiga xallinta Khilaafaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aan dib loogu noqon doonin go’aannadii ay horay u gaareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo qaarkood shalay la eryay.

Af-hayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aan laga laaban doonin go’aannadii guddigaas.

Af-hayeenka ayaa tilmaamay in xubnaha laga saaray guddiga ay ku kaceen falal baalmarsan anshaxa doorashada sidaas darteedna looga eryay guddiga.

Dhinaca kale Midowga Musharrixiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabada Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday xubno ka tirsanaa guddiga xallinta Khilaafaadka doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Macallimow: Laga noqon mayo go’aannadii ay gaareen guddiga xallinta Khilaafaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this