Sign in to follow this  
Deeq A.

Liz Truss oo Halis ku ah Boris Johnson

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Wararka PP) Guuldarradii Xisbiga Muxaafadka ee Biritayn ka raacday kursiga Baarlamaanka ee North Shropshire ayaa ka hor istaagtay Ra’iisal Wasaare Boris Johnson inuu u dabbaaldego sanadguuradii labaad ee guushii doorashada 2019kii.

Muddo sanad ah Johnson wuxuu la kufaakacay fadeexooyin siyaasadeed sida Wasiirkii Caafiimaadka oo haweenay si anshaxdarro ah ula dhaqmayay laakiin ay kameeraduhu qabteen; afhayeenkii isbeddelka cimilada oo iyadoon ogeyn laga duubay muuqaal ku saabsan shir jaraa’id beenbeen ah oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

800px-Boris_Johnson_official_portrait_crBoris Johnson hadduu waayo kalsoonida xisbigiisa wuu iscasili doonaa.

Waxaa shalay iscasilay Lord Frost oo ahaa Wasiirkii Brexit, go’aankii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub. Cadaadisyadan siyaasadeed waxaa sii kordhiyay sida taageerayaasha xisbiga Muxaafidku u diiddan yihiin in Johnson aad u maalgeliyo mashaaric gobollada waqooyi ka caawin kara inay soo gaaraan kuwa Koonfurta (levelling up) kaddib markii xisbigiisu xildhibaanno badan ku yeeshay seejooyin sanado badan u xirnaa Xisbiga Shaqaalaha.

IMG-20211219-WA0001.jpg?resize=1000%2C56Warmoog: Liz Truss kama warhayso siyaasadda waxbarashada Biritayn markay ugu baaqday dadka Biritayn inay ku faanaan taariikhdii Imbaradooriyaddii Biritishka.

Halista ugu badan waxay Johnson ka soo foodsaartay Liz Truss, Wasiirka Arrimmaha Dibedda oo dhowaan ugu baaqday dadka Biritayn inay ku faanaan Imbaradooriyaddii Biritishka inkastoo ay jirto siyaaasad waxbarasho oo diidaysa in carruurtu barato taariikhdii gumeysi ee Imbaradooriyaddii Biritishka. Liz waxay ka mid tahay siyaasiyiinta ugu cadcad guuxa la rabo in Johnson karkaarka lagu weydaariyo.

Johnson waa siyaasiga mas’uulka ka ah guulaha xisbiga Muxaafadku ka gaaray doorashadii 2019kii ka sokow isku daygii xisbigiisu sanadkan isku dayay inuu beddelo habka xildhibaannada loola xisaabtamo si aysan ugu adeegan metelaadda siyaasadeed iyagoo u shaqaynaya shirkado.

Liz waxay u baahan tahay isbahaysi hase ahaatee way adag tahay inay magaceeda ku biiriso xildhibaannada aan kalsoonida badan ku qabin hoggaaminta Ra’iisal Wasaare Boris Johnson.

© Puntland Post, 2021

The post Liz Truss oo Halis ku ah Boris Johnson appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this