Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Shacabka Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaad Roob-Doona 

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi Shacabka Hargeysa Kala Qayb-galay Tukashada Salaad Roob-Doona 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo heer qaran ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.
Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.
Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.
268441891_4575335405913610_5020932780149
268607272_4575335332580284_8190796785317

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this