Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii Shaqada Laga Ergayay Oo Ka Horyimid Go’aanka Ra’iisulwasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubanihii dhawaan xilka uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha ee ka tirsanaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ka soo horjeestay xilka qaadistii lagu sameeyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha shaqada laga eryay ayeey ku sheegeen in ay aad uga xunyihiin  go’aanka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay howshooda sii wadanayaan.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay golaha wadatashiga qaranka in la ilaaliyo madaxbanaanida guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xubnaha shaqada laga joojiyay ee guddiga xalinta ay soo saareen

guddiga-xalinta.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this