Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray waddanka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan dowladda Turkiga iyo Safiirkeenna inoo jooga dalka Turkiga Danjire Jaamac Caydiid Maxamed.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Istanbuul kaga qayb galaya meertada saddeexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isaga oo inta uu halkaas ku sugan yahay kulan-doceedyo la qaadan doona madax Kala duwan oo ka soo qayb galaysa Shirweynaha.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray waddanka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this