Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16396663207937243.jpg?resize=720%

Istanbul, December 16, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta, iyada oo la isla meel dhigay ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka Afrika iyo Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this