Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay xalay halkaas ay weerar ku qaadday jabhadda Xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Dhawaqa rasaas xooggan oo dhexmartay Laamaha Amniga Somaliland iyo dabley ka tirsan jabhaddaas ayaa gelinkii dambe ee xalay laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Weli faahfaahin lagama hayo haddii uu jiro khasaare ka dhashay iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinac ee Somaliland iyo Jabhadda SSC.

Jabhadda Xoraynta SSC ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Somaliland waxay ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Sool.

PUNTLAND POST

The post Weerar xalay ka dhacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this