Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Hindiya oo shaacisay in labo qof oo ka kala yimi Dalalka Somalia & Kenya laga helay fayriska cusub ee Omicron

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Hindiya oo shaacisay in labo qof oo ka kala yimi Dalalka Somalia & Kenya laga helay fayriska cusub ee Omicronwhatsapp sharing button
email sharing button
 omicron-1.jpg

Dowladda Hindiya ayaa maanta shaacisay in labo qof oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo dalkaas tegay dhawaan in laga helay nooca cusub caabuqa Corona virus ee loo yaqaano Omicron, kaasoo si degdeg ah u faafa.

Qofkii ugu horreeyay ee cudurkan laga helay waxay dowladda Hindiya ku sheegtay haweeney 24 jir ah, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Kenya, taas oo ka soo degtay garoonka Hyderabad.Qofka labaad, waa 23 jir u dhashay Soomaaliya. Waxay dowladda Hindiya tilmaamtay inuu ahaa rakaab ka yimid Soomaaliya.Labadaan qof ayaa safar ku gaadhay magaalada Hyderabad taariikhdu markay ahayd 12-kii December, waxayna qaadatay 48 saacadood oo dheeraad ah in la xaqiijiyo in laga helay xanuunka.

“Samballada laga soo uruuriyay 12-kii Diseembar waxaana loo diray baadhitaan. Natiijadu waxay soo baxday habeenimadii Salaasada, “ayuu yidhi Srinivas Rao oo ah Agaasimaha Caafimaadka gobolka Telangana ee dalka Hindia.

Labadan qof ayaa lagu go’doomiyay Machadka Caafimaadka ee Telangana iyadoo mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan karantiinkooda sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalkaas.

Omicron waa nooc cusub ah oo kamid ah fayraska Covid-19. Wuxuu caan ku yahay inuu si degdeg u faafo. Laakiin daraasad dhawaan soo baxday, waxay sheegaysaa in dhimashadiisu yar tahay marka loo barbar dhigo noocii ka horeeyay ee Delta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this