Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo wacad ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ursula von der Leyen oo u hadshay midawga Yurub ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahiin qaadida tallaabooyin aan horay loo arag oo ka dhan ah Ruushka haddii ayuu sii wado daandaansiga uu ku wado Ukraine.

Von der Leyen ayaa u sheegtay Baarlamaanka Yurub, in ay xoojin doonaan cunaqabateynta Ruushka ee lagu bartilmaameedsanayo dhaqaalaha, tamarta iyo difaaca.

” Waxaan diyaar u nahay inaan qaadano tallaabooyin dheeri ah oo aan horay loo arag oo cawaaqib xumi u horseedi doona Ruushka.” Sidaas waa ku goodisay Ms Von der Leyen.

Midawga Yurub ayaa dhawr jeer digniino u jeediyay Xukuumadda Ruushka, si looga hortago waxyeello loo geeysto Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Midowga Yurub oo wacad ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this