Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Gudoomiyaha Degmada Barbera ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Khaliil Xuseen Muuse.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan ee Somaliland waxay cambaraynasa, xadhiga Khaliil Xuseen Muuse, oo ah gudoomiyaha Degmada Berbera ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID, oo 12/12/2021 boolisku Berbera ku xidheen.

Khaliil waa marki labaad ee la xidho, hore waxa loo xidhay 5/10/2021, iyadoo xiligaa loo xidhay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay oo uu ku dhaliilay Maayarka iyo Badhasaabka Berbera, waxaana markaa lagusii daayay damaanad. Hadda waxa amarka xadhigiisa bixiyay Dr Axmed Maxamed Xaashi, oo ah Badhasaabka Gobolka Saaxil. Isla imikana waxa uu u xidhan yahay qoraalkii uu bartiisa Facebook hore usoo dhigay ee horena loogu xidhay.

Xadhiga Gudoomiye Khaliil waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka.

Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale”.

Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay korodhka xadhiga laxidhiidha arimaha xoriyatul qowlka oo aad usoo badanaya.

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah si bilaa shuruud ah na usoo dayso gudoomiyaha xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka dalka uyaala.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this