Sign in to follow this  
Paragon

Pick your greatest Somali Poet and represent him/her here

Recommended Posts

Paragon   

My Pick for today is the creative DHOODAAN and his poem - XAAJADU

 

1. Waagii hummaajidu ahayd halabadii guusha

2. Xaajadii huluulaha gashee haatuf ka adeegay

3. Xaajadii halaagguba ka dhacay ee huqdiga reebtay

4. Xaajadii hurgumadeedu ay heerka culus gaadhay

 

5. Xaajadii hadhkii loo fadhiyay geeda hoos badan leh

6. Xaajadii habeenkii ardaa lagaga haasaaway

7. Xaajadii horseedkiyo ergadu waayo ku harraaday

8. Xaajadii halyay daacadiyo hanaddo loo soocay

 

9. Xaajadii cirroole hufiyo hebelo loo doonay

10. Xaajadii markay hoga gashaba la isku haaraamay

11. Xaajadii hagaag diidayee lagu heshiin waayay

12. Xaajadii hirgali wayday ee hadal ka soo daashay

 

13. Xaajadii hagoog iyo waxay sir u hullaabnaydba

14. Markay hoos u jiidaan waxay kor u hayaantaaba

15. Hunfe iyo waxay qoomamiyo hibasho keentaaba

16. Belo ka hiig lahayd iyo waxay baas la huguntaaba

 

17. Markuu heedaddawgii batee dhiidhi huri wayday

18. Hurdufkiyo haraatida markii rag isku haaneeday

19. Ninkii libinta soo hoyin lahaa hiilka-se u baahday

20. Habarwacadkuu ula tagee hilibka soo mooday

21. Ee hurwaynka say ula dhacshaan kaga hadhee diiday

22. Halgaaddii isaga loo wadiyo hootadii nacabku

23. Nimankii hagraday maalinkay hanatayee laysay

24. Habboonaatayey wuxuu u yidhi jeerki gabay hawle

25. Isba dhinaca hoo maydabuu maalintaa hadayee

26. Anna waa habkiisee waxaan haatan leeyahaye

 

27. Maansadaan haloosin jiriyo qayladaan huriyay

28. Ha u liicinaay waxaan hayoon dhab u hanuunshaaba

29. Marna Xabashi huura leh Lixlaha kula haliilaaba

30. Marna hagar u daayoon rasaas ka haqab waayaaba

31. Marna badaw hunguri doonayaa harag u jiidaaba

32. Marna haatuf been sheegayaa hadal dhacsiiyaaba

33. Marna laba hadraysaa cidlada ku hindisoodaanba

34. Marna horintii jaadka u fadhiday male habeeyaanba

35. Marna kii dharaar loo hanjabay uu ka haajiraba

36. Marna kii hublayn waayayee heerki lagu dhaafay

37. Soomalidu maxay noo hayaan socoto haybshaanbee?

 

38. Hambalaalaqsanidaan arkiyo hirarka ay fuushay

39. Iyo sidaan jid loo haysan iyo hilinka ay doontay

40. Hiinraagga feedhaha waxaan hiririgleeyaaba

41. Kolla waxaan hammiga fooraroon hadalka daayaaba

42. Kol waxaan halmaan aawadii huga illaawaaba

43. Kolla waxaan is haadraaciyoon maadda la hintaabe

44. Kol waxaan hiyiga wayraxoon gacal huruufaaba

45. Kolna hoobadnimo jiibiyo gabay ku heesaaba

46. Kol waxaan higgaad ay fahmaan hogatusiiyaaba

47. Kolla tixaan higaagga u xidhiyo haar ku dumiyaaba

 

48. Halgan saasa taaggay waxaan soo huddamiyaaba

49. Waxay dhadiyo haydh-haydh madaw ku humbullaataaba

50. Hummaaggaa waxaan fiiriyoon daba huleelaaba

51. Dhankay ugu hubleeyaan waxaan ula hashleeyaaba

52. Himbiriirsi oohina waxaan daba hiqleeyaaba

 

53. Kol haddii dadkaygii hurdee hoorri dhacay toosay

54. Horta anigu holac aan qabiyo hibashaday dayne

55. Eeggaanan haadaa dhacayn halacsi mooyaane

56. Oo naftii aan haaraami jiray hiif u celinayne

57. Oo inaan hawoodiyo karaa inaan hadaaqaaye

 

58. Nimanyohow hambaabiray haddee heganka u taagan

59. Hantatoobsanayee maanta saan ugu hadhuub qaadnay

60. Inkastoon hannaanku u ekayn kaynu ku hungownay

61. Himmadaan la soo boodnay waa loo hanwayn yahaye

62. Hayaankaan raraynaana waa geeddi hawl badane

63. Dhexda inuu hadhsado kii rabow waa ban hoolane

64. Oo kii haro biya ah moodiyow waa harraad kulule

65. Oo kii hoyasho guri doonayow waa cidla’ u hadafe

66. Kii hadimo diidayow waa naftaa huride

 

67. Kii xoola haabhaabanow kuma hodmaysaane

68. Kii hadaaf xarrago maagganow haaruftaad bixine

69. Hayeeshee halaaggiyo innagoon halasahaa jiidhin

70. Hawd iyo Jabuutiba xornimo waa ka habartoodee

 

71. Oo haynraaf dhulkoodii gabiyo heecay bay noqone

72. Wixii lagu harriinshaana waa hoo adays gabaye

73. Ruuxii huleelee ka taga hogobka ciiddiisa

74. Hayntoroshka uu maganta u noqduu abid ka hoosayne

75. Hamuuntiyo dadkaan sheegayow waxaan haliilayno

76. Waa dalkeenna hooyoo xornimo lagu hoggaanshaaye

 

77. Markaan hibada guushiyo sadkaan u hanqal taagayno

78. Cadaw inaad hankaagtaan raboo idinla heesaaya

79. Oon ka lala hardamayoon ahayn la is hujuumaayo

80. Oo hadimmadiinnii wadaa qodaya haadaane

 

81. Nacabkii hoggaan kugu xidhee heerya kugu qaata

82. Hantidana bannaan kaa tubee hoygi kaa bixiya

83. Iyo wixii ku hoosaasiyaa waa isla halkiiyee

84. Ha u kala hambaynina dagaal haayirkiyo tuugga

85. Oo sidaa xornimo aan helliyo hodan ku raadceeya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Read this lovely poem he wrote about Miss Right... ;)

------

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane.!

Waa inaanay da;weynayn middaad guur u dayataaye.!

Dabci waa inay leedahoo waana dabataaye.!

Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye.!

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye.!

Doorkaad wax fari waa inaan lagu daduucayne.!

Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaale ahe.!

Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye.!

Waa inaanay kaa dudin markaad yae is diiddaane.!

Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabinee.!

Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye.!

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye.!

Waa inay darmaan gaarriyo daran ahaataaye.!

Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye.!

Waa inay gacalo diiranoo debecsanaataaye.!

Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye.!

Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne.!

Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye.!

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye.!

Waa inuu ku daartaa udgoon deerka ka horowe.!

Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye.!

Dar Ilaahay waa inaad qalbiga ugu ducaysaaye.!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Dhoodaan must be celeberated for his mastery of homour and commic -- Some of his commic poems can be called the funniest and the most liked ones by the younger generations. I for one love to listen to his poetry, and every time I listen to this poem - It brightens the day.

 

JACBURKII DHOODAAN

 

War horta ninyahaw anigu waan jeclaadaye

Gabadhbaan jeclahay oo i jecel, mana jeclaadeene

Haddii ay i jeclaatana ma rabo inaan jeclaadaaye

Ninkii ay jeclaatana la waa inuu jeclaadaaye

Kii aan jeclayn waa iyadu inay jeclaataaye

Jacaylkagya iyo keedu waa laba jeclaadoone

 

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye

Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye

Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye

Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye

Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye

Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye

Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye

Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay

Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay

Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey

Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene

Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.

 

Ninkii dumar jeclaadaase wuu yara ammaantaaye

Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere

Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne

Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage

Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e

Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye

Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye

Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo

Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye

Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye

Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne

Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne

 

Dhallinyaro inaan nahay dadkuba waa ogsoonyahaye

Inan iyo barbaar baan nahaye waan lagaranayne

Raggaa kale juuq ha u odhan aniga mooyaane

Kii kula hadlana waa inaan feedh ka badiyaaye

Haddii layga kaa dhaco waxbaan sahayan doonaaye

Dameer dhagaxa waa inaan gurtoo qaylo kiciyaaye

Naagtana ka iga qaada waa inaan ka dhuuntaaye

Ninuu ciil lafaha buuxiyoo dibinta ruugaaya

Oo luqanta hoogaamiyo gegi xarriiqaaya

Haddii kii xumaantaa ku falay weliba maad maagtid

Sidii laba digaag sow ilkaa layska cuni maayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Originally posted by JamaaL-11:

 

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye

Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye

Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye

Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye

Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye

Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye

Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye

 

Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne

Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxullo meygaage

Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e

Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye

Lool jamaal this is really funny.

 

.......................

MAANAA WAALAN MISE CADNBAA LAGA HEESAYAA

Share this post


Link to post
Share on other sites
AUN   

Thanks for opening this topic I think DHOODAAN is a good poet but I would certainly not put him on the category of "ONE OF GREATEST" and I will justify it if needed. However, he is one of the best (if not the best) comedian poets we have seen especially those poems which are now classified as JACBUR and you already quoted one whihc he talka about love. Personally his JACBUR make laugh and I enjoy listening to them.

 

Coming back to the issue of the greatest Somali poet, there is disagreement but here are some of the most popular names

 

1. RAAGE UGAAS (lived around 150 years ago)

2. SAYID MOHAMED ABDILLE HASSAN (died in 1921)

3. AW MUUSE ISMAACIIL (lived around 150 years ago)

4. ISMAIL MIRE (A comrade of Sayidka)

5. SALAAN CARABEY

6. QAMAAN BULXAN

7. CALI DHUUX

 

Among all of them I would vote for ISMAIL MIRE not because I believe that he is the greatest among them but he was a religious and peaceful man and MUJAHID for the fight against British and his poems such as RAGOOW KIBIRKA WAA LAGU KUGAA and GUUGUULAYAHOW HADAAD GUGA U OOYAYSO are the best known today

 

Sine all of these poets were from the northern portion of the Somali Peninsula, I am obliged to mention some of the southern poets. I will vote for CARAYS CIISE KAARSHE for many reasons, first he poems are contemporary and simple to understand by the young generation also he was very genius by inventing a unique way of reciting his poems which are becoming popular and are known as SAAR and lastly he preached peace in his poems

Share this post


Link to post
Share on other sites
QalQaali   

Jamaal..

There r some brilliant Somalian poets.

I never have the time to listen or read their poems, but below are my favort poet.

 

Cali Xasan ((Banfas))

 

I also enjoy the poems of

 

Hadraawi (hadaananan Hadaanaan)

Adaan Tarabi Jaamaac (Sh.Isaxaaq)

Cali Jaamaac Haabil

Ismaaciil Barkhadcas...

 

Dhoodaan poems are so Funny walaahi..

Thxz Bro

1 Luv

Q

 

I

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey

Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo

Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye

Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge

Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye

Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene

Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteedaKolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

haabhaabadkii dambaan soo hambaabiraye

U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye

Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane

Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

 

salan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dalni   

Iibsi Lacageed ...Ismaaciil Mire

 

Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto

iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede

Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye

Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane

mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline

afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye

albaabkii Burcaan tegey anoo aaladii sida eh

Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye

Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye

Dar iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye

Amankaagay goortay wankii adhaxda tuujeene

Inta weeye iyo maahadii la is ilaaqaayey

Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye

Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye

Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye

afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene

Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye

kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene

usha, jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene

Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

 

-------

 

Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye

Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula

Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase ama koob shaah ah

Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine

Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado

 

Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala

In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille

Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye

Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede

Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey

Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne

Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye

Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa'ilaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye

Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye

Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye

Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey

Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye

Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye

Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye

Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e

Waxse kadabkii go'ay maalintuu kaday raggiisiiye

Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

 

Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne

Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay

Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Kashib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
AUN   

Thanks Wadani for this two magnificent poems by the late Ismail Mire. There is another two poems by him. The first one is GUUGUULAYAHOW HADAAD GUGA U OOYAYSO (which talks about the extent of drought that hit the region) The second one is ANAGOO TALEEX NAAL JIHADII NOO TIMIDE (which he talks about how his army killed Richard Corfield or KOOFIl so if you have both or any of them please post them here and share it with us

Share this post


Link to post
Share on other sites
AUN   

Infact I found both of them from the internet

 

the first one is GUUGUULE

 

Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso,

Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,

Oo aad gamoorahakan maran gama' la'aan diiday,

 

Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo'laysay,

Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo,

Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,

 

Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne,

Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e,

Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,

 

Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye,

Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye,

Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline,

 

Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne,

Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye,

Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,

 

Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye,

Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde,

Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye,

 

Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye,

Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene,

Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,

 

Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,

Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,

Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,

 

Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye,

Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye,

Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye,

 

Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare,

Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane,

Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.

 

Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye,

Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde,

Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane,

 

Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede,

Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye,

Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e,

 

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye,

Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye,

Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne,

 

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo,

Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye,

Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!

 

The second one is TALEEX

 

Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay,

Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,

Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay.

Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,

Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,

Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray.

Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,

Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,

Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay.

 

Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,

Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,

Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay.

Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,

Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,

Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi.

Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,

Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,

Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage.

 

Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,

Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,

Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray.

Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,

Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,

Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,

Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray.

Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay,

Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,

Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,

Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay.

Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,

Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,

Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay.

 

Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,

Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,

Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka,

Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,

Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,

Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe,

Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay.

Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,

Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,

Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,

Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,

Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,

Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,

Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye.

 

Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,

Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,

Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere.

Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,

Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye,

Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye?

Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,

Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,

Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,

Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,

Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tixda gabay Maxamedow beryahan waanigaan tirine

In dhoweydba waataan ka tegey Ta iyo Wowgeede

Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn jirayeXaluun baan tawalay goor dhaxay tahay allaylkiiye

Kolkii uumiyuhu wada tarquday Tammani lay keenye

Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo iriye

Waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye

Tusaalaha adduun iyo walaac la igu soo tuurye

Tog yar iyo bannaan iyo anoo tuban ka baaqaaya

Taalloolayaal iyo anoo taaggi siraw jooga

Toomaha walwaaleed anoo torog ku maalaaya

Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya

Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay

Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimiye

Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiyeTammuunkii ku imi meel jinnoo aan tamadinayne

Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye

Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyneWaxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne

Talaatiin gu qaar joogay baan toob u xaadirine

Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye

Taf la jiido iyo bay hayaan tookha debedeede

Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye

Aniguna tabtoodii haddaan yara tacliimeeyey

Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin

Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin

Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacayninKol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin

Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey

Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaayeTacliin aabahay wuxu i baray tooyyo soo godole

Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye

Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeyeWaxba gabaygu yuu ila taffine waxaan ku taalleeyey

Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e

Tabantaabo gacal baan rabaaye tolow ha lay dhoofsho.

 

Maxamed Kaahin Feedhoole

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Kuujaa iyo leetta! by Sangub... enjoy

 

Kaamiloow kawlaan baan ku fari, koriyo hoos dheh,

Koorreey haddaad gaadho iyo, kadinka geeleena

Kambalkiyo duleedkaan rabaa, inaad ku sheegtaaye

Koowkow u tiri hadalladaan, kugu karaameeyay

 

Taariikhdan soo korodhay baan, koobi leeyahaye,

Kansho malahan adduunyaduna waa, kadis ku noolowe

Kiiskii horaan iga dhammaan, lays karkabadeeye

Kor madoow hamoodina inuu, uunku kaa xigo e

 

Kufaar waa kufaar uun haddana, kii cad baa naxa dheh

Mindiyaha kureed lagu lisaan, niri na kaalmee dheh

Kadeed iyo dhibbaa na dilay dadkii, Kenya soo galay dheh;

 

Kadarna waan ka laadlaadsanahay, koriyo buur dheere

Karkaarkay na waydaariyeen, kaalinkii dhexe dheh

Dadkuna waa nakuuf1 iyo suge, iyo koor wad baw sudhan dheh

Kibir iyo ciyaar lalama tago, meel Kiyoosa ah dheh;

 

Naf kadeedan baa lagu qashaa, kaymo bahaleede

Kalaajiin2 waxay nagu qasbeen kuudud waaqlada dheh

Kuman jeelkii baa lagu dhex dilay, aan kirna lays oran dheh

Kumana waa maxaabiis walina, koodhkii may iman dheh

Kumana waa habooy uu dugaag duur ku haaligay dheh

Kumana Dhuudhi baa kaday lugaha, oo dhex kuududa dheh

 

Boqolkiiba kontan bay dishaa, mici Kaneecaad dheh,

Kumanyaalka soo hadhayna xeryahay, kololo'eeyaan dheh

Dumarkiina karreeb dhoofidaa, lagu kaxeeyaa dheh

Kurkaa laga jaraa aabbe nooloo, kaynta yuurura dheh

Labadii is kaalmayn lahayd, waayahaa kulul dheh

Kuur kuursi baa lagu jiraa, kuudud bahaleed dheh

Korkaygana cadhaa lagu salliday, kuudud nabareed dheh,

Kaadidana ma celiyaan kelyaha, kaydii dabac dheh

Cudur kama kacaan Aids-na waa, laga kurboodaa dheh

Kariimka waxaannu barinnaa inaan, kaasi noo iman dheh

 

Karaamadii uu Soomaal lahaa, kaadh xun baa gubay dheh,

Dad kalsooni waayay baannahay oo, Weewe loo kaday dheh

Kal geeddi baan nahay kolkii, waagu kaaho dheh

Waana nala karbaashaa ulay, nagu kaxeeyaan dheh

Karinna waannu leenahay sidii, awr kidhaalaha dheh;

Ninkii koob Maharako3 ah helaa, ayaa kiishka buuxsaday dheh,

Kayd waxaannu haynaa cuntada, Kaabash baa jira dheh

Kolkol baannu labaleey qadnaa, keena madhanleey dheh

 

Kuukaayadiina4 way kacday oo, laysku kululaa dheh

Kurka inaaba faas la isku jaro yay, kaabiguu timid dheh;

Nimaam lacagta Kenya lahayn kadinka loo diid dheh

Kuuja!5 iyo Leetta!6 iyo keen, kaydkii raamsade dheh

Jeebkaygu kolay buu u yahay, kaydiyaa lacag dheh

Korkaygaa xafiis looga furay, kaamba luushaha dheh

Kastamkoodu waa boobe iyo, kiis la daydayo dheh.

 

-----

1. Nakuuf -- dhimasho (af sawaaxili)

2. Kalaajiin -- qabiil reer Kenya ah

3. Maharako -- digir (af sawaaxili)

4. Kuukuuya -- qabiil reer Kenya ah

5. Kuuja -- kaalay (af sawaaxili)

6. Leeta -- keen (af sawaaxili)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabadh jinaha dhuudhuuban waa inaan jeclaadaaye

Tu naasuhu janjeedhaan waa inaan jeclaadaaye

Middii jeer la moodoo dhan waa inaan jeclaadaaye

Garoobtii i soo jiidha waa inaan jeclaadaaye

Islaan baradho jiidaysa waa inaan jeclaadaaye

Duqdii jaadka gadaneysay waa inaan jeclaadaaye

Habar jeenyo buurbuuran waa inaan jeclaadaaye

Wadaaddaanse jeclaadee dharraar macawsta i siisay

Gurigeeda waagaan tegee ay shaaha ii karisay

Haasawaheedii kolkuu sooba madhan waayey

Feedhka iyo tantoomada sideer uguma boobeene

Kolkay qaad i siinweydey ayuu mawdku ka adeegay.

looooooooooool ,,, My favourate part :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kisima:

Thanks for opening this topic I think DHOODAAN is a good poet but
I would certainly not put him on the category of "ONE OF GREATEST" and I will justify it if needed.
However, he is one of the best (if not the best) comedian poets we have seen especially those poems which are now classified as JACBUR and you already quoted one whihc he talka about love. Personally his JACBUR make laugh and I enjoy listening to them.

I will definitely disagree with you. Dhoodaan is one of the greatest if not THE greatest somali poet ever. His poems are not limited to JACBUR even though he is the father of JACBUR. He is a true patriot and his command of the Somali language is amazing. I think no poet since Raage Ugaas has reached his philosophical insight into the Somali culture and behaviour. His poems against Siyaad Barre are legendery. He is heads and shoulders above most of those you listed That is not say the anything less about the great list you provided but it is a reflection of how good Dhoodaan really is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this