Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Why loogu horistaagayaa

Recommended Posts

Jawaari oo ka hadlay diidmada lagu sameeyey inuu u tartamo kursiga HOP103

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay isbaaro siyaasadeed oo loo dhigay, si looga wareejiyo kursigiisa xildhibaanimo.

Jawaari oo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed u tagay tartanka doorashada ayaa sheegay in laga hor istaagay musharaxnimadiisa, meeshana ay ka jirin doorasho daah-furan.

“Caqabado iyo culeys ayaa naga horyimid, arrimaha Xigashomeesha ka socda (Baydhabo) aniga shaqsiyan marka qiyaasay meeshan ma fidsana gogol nin gob ah oo wax kasoo doontay oday meeshan ma taallo. Waxaa socda arrimo tagri-fal caadi ah,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in si bareer ah loo sameynayo gabood fal, kaasi oo baalmarsan hanaanka doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Waxaa laga horyimid xaqii siyaasiga ahaa, meeshan wax nidaam dowladeed iyo xaq wax lagu qeybinayo uma jeedo. Waxaa ka baqayaa in faraha ka baxdo dowladnimadii yareyd ee soo kasbanay.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu ka tagayo magaalada Baydhabo, maadama laga hor istaagay in uu isku soo sharaxo kursiga sumadiisu tahay HOP103 oo uu sheegay inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee beesha ay wadato.

“Aniga illaa hadda waxa ahay musharax rasmi ah oo u sharaxan kursiga 103 sugayana in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo daah-furan ayaa diyaar u ahay, illaa taas laga gaarayana sidaasa usoo taaganahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in wada-hadal uu u socdo beeshiisa oo iska leh kursiga go’aanka laga hor istaagay inuu isku sharaxo iyo madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Guddoomiyihii hore ee BFS looga hor istaagay musharaxnimada ayaa ka yimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku amray inaan lasoo saarin Jawaari.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kursiga HOP103 ee uu ku fadhiyo Jawaari u diiwaan-geliyey musharax Maxamed Cali, oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Koonfur Galbeed kuna dhow Laftagareen.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Jawaari ayaa si buuxda u taageersan guddoomiyihii hore, hase yeeshee waxaa rabitaankooda hor-istaagay Laftagareen oo ka amar qaadanaya Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nin calooshu kasoo dhacday hadaad aragto ha la tacaadufin si dhaqso ah, kii ay is qabteen ilaa aad aragto.

Macnaha meesha ku jira waxaa weeye aragtidayda odayaashii ay isku filka ahaayeen sida cabdi xaashi iyo muuse suudi waxaa la siiyay kursi aysan u tar-tamin.

Jawaari wuxuu filayay sidoo kale in la siiyo kursi sharafeed  laakiin wuxaa ka hor yimid maqaawimo adag oo uu ka baqay in si dhab ah loola tartamo, diyaarna uma aha taas.

Sidaa daraadeed waa inuu qayliyaa si beeshu darawalkiisa ula tar-tansiiso.

Dulum iyo daalin waa walaalo' dadkii wax dulmi jiray oo dhan waa la dulmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odeyaashii iyo xaajiyadii kale waa loo baneeyey kuraastooda (Mursal, Madoobe, Fowsiya Max'ed, xataa Saransoor) laakiin duqii Jawaari ahaa waa loo gafay. Who is next? Shariif Xasan's son ku fadhiya kursiga aabihiisa? 

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay doorashada kursigii uu guddoomiye Jawari dacwada ka gudbiyay

Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Hase yeeshee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa warkaasi iska diiday, iyagoo ku adkaystay in ay doorashadiisa qabanayaan maanta oo axad ah, wayna qabteen.

Musharrax Maxamed Cali Xasan ayaa doorashada kursigan kaga guulaystay Mukhtar Cali Ibraahim, wuxuuna helay 78 cod, halka musharraxa la tartamayay uu helay 18 cod.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono guddiga doorashada, kuwaas oo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya ka qabtay dacwad uu ka qabay doorashada kursiga beeshiisa.

Jawaari iyo musharraxiin kale ayaa Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah waxay ugu yeereen boobka qaran ee lagu hayo doorashada aqalka hoose, waxayna  arrintaas isku fikir ka yihiin rag uu kamid yahay Cabdiraxmaan Tuur yare, taliyihii hore ee NISA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They - kuwii Midowga Musharaxiinta la baxay - thought they could fund new feasible xildhibaanno' registration fees, qarashka odeyaasha and little jeebka ah in order to have their votes later. Ama kuwa iyaga iska soo bixiyey qarashka hadhoow la laaluushi karo, sida dhici jirtay.

Taas ma dhicin oo maamul goboleedyadii xildhibaanadii cusbaa jeebka ee gishteen oo kee rabaan kaliya soo baxaayo. Worse xulasho ever. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again another hor istaagid:

This coming so-called baarlamaan of unelected members must be the least independent xildhibaanno ever. Whoever had a little kartinimo iyo hadaf waa laga taqsuusoyaa, regardless how close he was to them before. Waxaa la rabaa meesha la wada keensado 'yes, sir' xildhibaano ku sheeg aanan ku soo hadal celineynin whoever meesha keensaday. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi90   
1 hour ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Again another hor istaagid:

This coming so-called baarlamaan of unelected members must be the least independent xildhibaanno ever. Whoever had a little kartinimo iyo hadaf waa laga taqsuusoyaa, regardless how close he was to them before. Waxaa la rabaa meesha la wada keensado 'yes, sir' xildhibaano ku sheeg aanan ku soo hadal celineynin whoever meesha keensaday. 

Welcome to the Farmaajos cagajugleyn state(the new brother of marqan state aka:muuse biixi), using haayada nabaadsugida(NISA) as his personal arm, we are on the road to become new Djibuti/Uganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo ku waalatay adigana. Regardless, he is a thousand times better than the corrupt, failed, foreign-funded swindlers you support.

Plus this is maamul goboleed who are doing this, ka biloow Madoobe in Kismaayo sheekadaan bilaabay iyo Deni Reer Boosaaso xoog kuraastooda ku qaato rabay and attempting to ban federal ministers from deegaanadee ka soo jeedaan. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Poor Muudeey.

Doorashada kursigii uu ku fadhiyey C/weli Muudeey iyo kuraas kale oo laqabtay

274119255_164874475875159_88280403709560

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-Hop-045, Hop-145, Hop-162 iyo Hop-148, Hop-256, Hop-143 iyo Hop-163 waxaana ku jira kursigii uu horey ugu fadhiyey Cabdiweli Sh. Ibraahim Muudeey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Hop-145 ee uu ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay codad gaaraya 76-cod, halka musharaxii la tartamayey C/llaahi Ahmed Cabdi uu  heley 12-cod, waxaa hallaabay 2 cod.

Guusha Cabdalla ayaa aheyd mid la filayey, wuxuuna si dhow ugu xiran yahay Villa Soomaaliya oo iyadu dadaal xoogan gelisay, sidii meesha looga saari lahaa Muudeey.

Sidoo kale waxaa kursiga Hop-045 ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed oo helay codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley illaa 8 cod.

Kursiga hop-62 waxaa sidoo kale kusoo baxay Maxamed Cismaan Cumar, isaga oo helay codad gaaraya 74 cod, halka musharaxii la tartamayey uu heley 17 cod.

Waxaa sidoo kale kursiga Hop-148 wku guuleysatay Calwiya Siid Cabdullahi oo heshay 88 cod, halka musharixii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10 cod.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa sidoo kale ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256  iyadoo heshay 87 cod, halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12 cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo heley codad gaaraya 90 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11 cod.

Kursiga todobaad Hop-163 ee ugu dambeeya waxa kusoo baxay Isaaq Maxamed Maxamuud oo helay 86 cod halka musharaxii la tartamayey uu heley 10 cod.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
On 2/14/2022 at 11:02 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Again another hor istaagid:

This coming so-called baarlamaan of unelected members must be the least independent xildhibaanno ever. Whoever had a little kartinimo iyo hadaf waa laga taqsuusoyaa, regardless how close he was to them before. Waxaa la rabaa meesha la wada keensado 'yes, sir' xildhibaano ku sheeg aanan ku soo hadal celineynin whoever meesha keensaday. 

Adiga waa kaa yaabay. You are complaining same system you have been justifying their actions on these forums day and night. Dhagahaagu iyo afkaagu igaaroow ma ismaqlaan?

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahahaha. Kaa caabudid Garoowe fadhiyo is the one doing this oo ka koow ah. He and xulafadiisa are the ones ka soo horjeestay doorasho qof iyo cod. Waa iyaga kuwa ka soo horjeestay xulasho 300 ergo delagates voting for each seat.

It he and kii kale Kismaayo fadhiyo who started (s)elections with malxiis candidates and his driver.

Shaqsi waligey ma taageerin and waa ka soo horjeedaa waxa aan qalad u arko. Inta Soomaaliya horumarkeeda wadana waa taageeraa, not shaqsi, dusty tuulo and deegaan qabiileed. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Horta anigu qof ma caabudo ee Allah ka baq. Adiga xagee jirtay markii Jawaari maalin cad xoog kursiga looga eryay? Xagee jirtay markii Mirsal korontada iyo biyaha laga jaray ilaa uu abeed abeed yiri? Adigu xagee jirtay markii ciidamo Ethopian ah beebee la dulmareen dad masaakiin ah oo mudaharaaday Baydhabo? Xagee jirtay markii xuldhibaanadii Koonfur Galbeed diyaarad intii lagu soo ritay xamar la keenay video laga duubay loo sheegay cida ay tahay inay u codeeyaan? Xagee jirtay markii qalbi dhagax maalin cad cadawga dalka loo dhiibay?

Qofkii caqli leh waa iska garanayaa regimeka saas ah waxa u dhalo inuusan udaahayn qof airport laga celiyo iyo mid doorasho loo diido iyo doorasho la boobo waa u basiid.

Dani wuu dhaamaa maxaa yeelay maanta Boosaaso waxaa jooga Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo siyaasada ay aad isaga horjeeedeen shantii sano ee lasoo dhaafay. Hada ogoow airporka waa loo diidikaray, laakiin wuxuu ogyahay hadii uu isimkiisu uu isagu haysto inuusan waxba gurayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Shurwac   

Samafal - How's that debunked Kudayo, Kudayo Puntland going? ...At least MMA wrongs the government for its efforts to sideline Jawaari who's actually from his own constituency and doesn't align with his politics 

Koronto & Biyo lajaray aa? - Hundreds baa Boosaaso lagu laayey, many more had to flee etc. Ilaa hadaa hubaa la's lahorfadhiyaa, All for Dani's lunacy to illagelly defraud Puntland's seats

Wasiir Jamal you mentioning above barely escaped with his own life at yesterday's targeted explosion (Guess by who) - Minister Jamal's own Dhahar Nabadoon had to skip town and is MIA in fear of his life. So much for that a person who lives in a glass house - Or whatever that quote was...Keep throwing those stones at others...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.