Sign in to follow this  
CARTAN

Qaali, Qaali-Luul ama Quman !!!( Hees )

Recommended Posts

CARTAN   

Salaan Qiimo leh ka dib:

Waxaad ku so dhawaataan Heestan oo Maggaceedu Yahay:" QAALI "Biyo-dhaca heestu waa Qiso Jacayl, waxana uu wiilku ku ammaannayaa Gabar uu Jeclaaday lana dhacay Anshaxa, Hannaanka, iyo asluubta Illaah ku manneystay.

 

Copyright© Suleymaan

 

~ QAYBTII 1AAD ~

 

Qurbe anoo ku raagoo,

Toban saniyo qaar dheer

Qol riwaayad lagu dhigi,

Indhahaygu ay qaban

Xalaa damac iqaadaan,

Qorshahaan lahaa iyo

Qaraarkii bedelayoo,

Qurfad heeso lagu tumi

Saacado qasiira ah,

Masrah sow ma aan qaban

.... ************......

Meesha oo qabowoo

Qqaaba xumadii

Qaar badani imanoo

Badhna ay qayilyaan

Badhna ay qawadayaan

Badhna qaylo dheeriyo

Soomaali qaabkeed

Qalalaase lagu jiro

Mid qureysh lamoodaa

Qolkii sowma soo gelin

Inaan gacanta qaadoo

Dhexda aan qabsado oo

Qoobka kala ciyaaroo

Heeso aan uqaadaa

Qalbigeygu doonoo

Dabeed waan is qaatoo

Qolka dhinacay joogtiyo

Qaybtay fadhidaybaan

Kursigii u qaatoo

Aan qumaati ugu kacay

Qaar kuwii lajoogayna

waaba igu qawaafeen

Qaarna waa cadhoodeen

Waa maxay qaldaankani

Qaali naga damaaciyey

Miyaan xeer qabtaa jirin

Qashqashkiyo dhibkoodiyo

Ragaas qayladoodi

Qaali aragtideedii

Dhoola ka qasolkeedii

Anna waan qajilayoo

Maxamedow afkal qaad

Qasdigaan lahaa iyo

Qisadii ilaawoo

Qawlkiiba iga xidhan

Anigoo qoslaayaa qunyar

Hadalka waxan idhi

Sida qamar iftiimiyo

Qoraxdoo ilayskii

Qaarado kufidayoo

Dhulka qabowgi joogiyo

Gudcurkii ka qaadaad

Qolkii noosiraadaye

Qaaliyey manabadbaa?

Quruxdaada goortaan

Qunyar aan jaleecaa

Qalbigu ixanuunoo

Waa nigan qadhqadhayee

Laabta maysku qabanaa?....

 

LA SOCO QAYBTA 2AAD.....

F.G. Waa Mirrihii Abwaan SULEYMAAN...

 

....SCS.

________________________________________

_________________CARTAN_________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

CARTANOW sxb, that was a well worded song. It is having an effect on me here, waxaan ka cabsiqabaa inaan aniguba soo alifo hees taas oo kale ah, qiiro darteed lol, inkasta oo uu af-soomaaligu safaaradaha goor horeyto iga qaatey. Balse hadaan qalbigu gardarreysto kolleey waa kii gabay maaxaaye.

 

CARTAN as usual...your poem under the song was a good one too, keep it up sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Cartanow ina adeer

 

Sow kaan badweyntiyo

Ka talaabey qaarado

Sow kaan haweenkiyo

Ka dabbaashey caashaqu

Isma odhan jaceylbaa

Kugu laba kacleyne

Kaa dhigi bukaan socod

 

Beerkeygu waa boog

Carabkeygu waa dacar

Dhakhtar iga daweeyiyo

Iima dhowa maciine

Nabsaa igu maldahanoo

Iga dhigey mariille

naftaa xagalka daacdoo

Nuux nuuxsi diidaye

Allahayow i garab qabo

 

Ma dafirin jaceylkuye

Dumarbaa se igu dirray

iga dhigey dugaag aan

Doorbidin wanaagiyo

Hidaha iyo dhaqankaba

 

Hadaan soo baraarugay

in dumarkeenu yahay dahab

Dhaqankeenu yahay sharaf

Afkeenuna yahay murti

Muuqqeenu yahay qurux

 

Dhagta maqalka qabatiyo

Isha aragga keentiyo

Sanka uduga neefsada

Dhamaan ximnohoo idil

qiimo waxey kulleeyiin

Hablaheena bilicda leh

Qurux loo dhameeyoo

Eebahey ka dhigey kuwa

Ragge u dhega nuguloo

Sharaftiyo xishoodkuna

Nimco loogu sii daray

 

 

 

Experiment by JamaaL-11

Share this post


Link to post
Share on other sites
MaandeeQ   

My Gooooosh! Guys u better stop posting such mesmerizing poems otherwise I'll fall in love with both of ya...looool Just kidding ;)

 

CARTAN N JAMAL-11

 

Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida hagaagsan ee aad noogu soo bandhigteen gabayaadaa murtida leh ee misna maankeeyga deeqay. Runtii ma aan cabiri karo waxa aan dareemayo waqtigan xaadirka ah. Waa Allah mahadiis in aan arko wiilasheena qiimaha leh ee sidaa wacan u amaanaya gabdhahooda. Hawsha halkaa ka sii wada Aqayaarta. Nabad N Caano isha'allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
CARTAN   

Salaan kadib:

Jamaal-11, sxb that was really vivacious Song,

Waa lay dhex qaadday markaan jooggay qaybaha dambe ee Hal-jeedkaada. Gartay sxb Halka laggaa Hayo. Anna ma u malaynayo in aan wax saas ah kaa dheerrahay, garbakaaga mar aan ka dhawahay meel uun baan jooggaa, Yaa Jacayl iyo Hillawgisa ka badbadda. sxb Waan la dhacay Heestaas Lafteeda, Waannad Mahadsan Tahay.

 

MaandeeQ, Ina-abti, Maxaad tiri ? Waa iga qosliseyba maanta ,oo qosol aanan in muddo ah qosli ayaa igu so dhacay.

Haddii aad hayaantoo

Nafta hawdka egysana

Hoygaagu waa nabad... dheh!

Nimba waa maalintiisee ha ka baqin in heegadda sare laguu tuuro meel marran.Looool.

 

Bal Faallada Halkaas ka sii wadda Niman Yahaw.

....SCS.

_________________________________________

_________________CARTAN__________________

MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!!

HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!!

NABAD IYO CAANO...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

woooow :eek: :eek: :eek: :eek: I can believe this my goodness I love this side everyday more and more becouse there is Two Guys who make this side more Exciting.....(Jamaal and Cartan) Keep on going Guys!!!!!!!!!!!!!!

 

With Much Love

 

Kamila

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaams all,

 

Thnx jamaal, I am glad to be here this place is getting everytime better and better,

 

Maandeeq wlc back and enjoy sis,

 

Maah maahyo maka danbeeysaan dadoow ila fiiriya Maah maahdeena somaaliga ee qiimaha iyo qadrinta mudan,

 

. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.

2. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar

3. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.

4. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.

5. abkey doolli dilow dad nool maas u daahaa

6. aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa.

8. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.

9. Abuur iyo waano abuur baa horreysey

10. Adduun i khatal.

11. adhi jiri ma kala abaal waydo.

12. adhi jiri xil bay wadaagtaa.

13. Adhi magantii ma barriiyo.

14. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.

15. Aduun wey ki amoodeey ugaaw???

16. af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.

17. af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.

18. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.

19. Af Daboolan, Dahab waaye.

20. Af hadlaaba aamus.

21. af jooga looma adeego.

23. af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.

24. Af waa kane, maxaa lagu aamaa

25. Af wax cunay xishoo

26. Af-ka nool abooto mudac.

27. afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.

28. afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.

29. Alla aamin ma iisho

30. Alle watow wehel uma baahna

31. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin

32. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.

33. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe

35. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.

36. Ammaan lama dhu-dhumiyo.

37. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.

38. amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.

39. aqoon la'aani waa iftiin la'aan.

40. Arab iyo waraabeba talo xumaa laga nool yahay.

41. arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.

42. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino

43. Arrin aan sidii **** riyaad la feydin, ma fayoobaato.

44. Arrin xumo abaar ka daran

45. atoorku intiisuu guun ku yahay.

46. awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaama baydho.

47. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay

48. awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.

49. Ayax teg eedna reeb

 

Enjoy Guys,

Bye

___________________________Kamila

Dhagdheer Dhimatee dhulkii nabadee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

loooooooooooooooooooool kamila

 

maahmaahyadaada cajiib waaye inta badan balse tan ayaan ku qosley

 

"16. af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa"

"43. Arrin aan sidii **** riyaad la feydin, ma fayoobaato.

"46. awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaama baydho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah.   

loool @ Kamila those are some funky maah maahyo

 

Wooow cartan and jamaal-11 you two are the only reason I visit the poetry section....keep up the good work .....and keep on bringing the best :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this