Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay Gobollada Bari iyo Karkaar ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1-4.jpg?resize=720%2C405&ssl=1

Roobab mahiiggaan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno ka tirsan Gobollada Bari iyo karkaar ee Puntland.

Gobolka Karkaar waxa roobsaday magaalada Qardho iyo degaanno hoos yimaada oo ay ku jiraan Qalwo iyo Cambaar sare.

Sidoo kale waxa roobsaday degmada Rako Raaxo iyo degaanno badan oo ka tirsan Rako sida Uur-jire, Qaarar-soor, Dabqax, Duud-hooye, Adin-geri iyo  Kur-ilaalo.

Gobolka Bari waxa roobsaday degmada Isku-shuban iyo dhulka hoos yimaada sida Camaan, Onkadda, Dhafaruuryo, Dharoor, Xiriiro, Biiji-ga iyo Barako.

PUNTLAND POST

The post Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay Gobollada Bari iyo Karkaar ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this