Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo u ambabaxay waddanka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani.

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo u ambabaxay waddanka Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this