Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Maamul cusub u magacaabay Baay iyo Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab ayaa Maamul cusub u magacaabay laba Gobol oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay sheegtay warbaahinta Al-shabaab.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Maamulka cusub oo Islaami ah loo magacaabay Gobollada Baay iyo Bakool oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Sheikh Cismaan Abu Cabdiraxmaan ayaa Al-shabaab u magacowday waxay ku sheegeen Waaliga Islaamiga ah ee Gobolka Bakool sida ku cad Qoraalkaas.

Sheikh Xamsa Abu-Jacfar ayaa isna loo magacaabay Gobolka Baay waxaana xusid mudan in labada nin aan midkoodna sawirkiisa la soo bandhigin.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo Maamul cusub u magacaabay Baay iyo Bakool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this