Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa la filayaa in todobaadkan uu toos uga dago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaban-qaabada soo dhoweynta haatan laga sii bilaabayo waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo sidoo kale aad loo adkeeyey dhanka ammaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Deni marka uu gaaro Gaalkacyo uu xarigga ka jari doono garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamo uu ka bilaabi doono waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo uu la qaadan doono waxgaradka deegaanka iyo maamulka.

Sciid Deni ayaa sidoo kale maamlmo joogo doono Gaalkacyo, isaga oo kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada, si u qiimeeyo xaaladda guud ee deegaanka.

Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland, waxaana muddooyinkii dambe aad loo xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga magaaladaas.

Si kastaba socdaalka la filayo in madaxweynaha Puntland uu ku tego degmada Gaalkacyo ayaa kusoo aadayo, xilli dagaallo ka dhan Al-Shabaab ay ka socdaan gobolka Mudug.

The post Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this