Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid oo Dalbaday in Baaris Madaxbannaan Lagu Sameeyo Dilka Ikraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweeynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaah u naxariistee Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsan Hay’adda NISA.

Xasan Sheikh ayaa sidoo kale ka dalbaday in la sameeyo guddi madaxbanaan oo baaritaan ku sameeyo kiiska dilka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in aan suura gal aheyn in dadka lagu tuhunsan yahay in aysan qeyb ka noqon garsoorayaasha.

” Eebe ha u naxariiso Ikraan, Ummadda Soomaaliyeed & qoyskeedana samir & iimaan haka siiyo.
Kiiskan waxaa hareeyay mugdi iyo shaki laga qabo dhinacyada ku lugta leh, sidaas darteed waa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo. Lama aqbali karo in tuhmanayaashu garsoorayaal ka noqdaan”, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in ay tahay wax aad looga xumadaa warka ka soo baxay NISA.

Ra’iisulwasaare Cumar ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in baaritaanno ay bilaawdaan si looso bandhigo xogta dahsoon ee Kiiskan.

Sikastaba Taliska NISA ayaa sheegay in Ururka Al-shabaab ay dileen Ikraan Tahliil, walloow waalidiinta Gabadha ay ka biyo diideen middaa.

IMG-20210903-WA0014.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this