Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo dib u celiyay geel la kala dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-20.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Mas’uuliyiinta heer gobol ee Puntland iyo Galmudug, ayaa sida ay sheegeen ku guulaystay in ay dib u celiyaan geel ay kala haysteen xoola dhaqato ka soo jeeda labada maamul.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in la wareejiyay 13 neef oo geel ah, oo ay kala haysteen xoola dhaqatada ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Munaasabadda oo ka dhacday degaanka Godod bariga magaalada Gaalkacyo, waxa goob-joog ahaa mas’uuliyiinta labada dhinac iyo saraakiisha Amniga heer gobol.

Mas’uuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobolka Mudug ee oodwadaagtaa , waxaana ay dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada iyo Xasiloonid ilaaliyaan.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo dib u celiyay geel la kala dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this