Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee Kabul

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Jazeera.webp


Dagaalyahanada Taliban ayaa gudaha u galay xarunta madaxtooyada Afghanistan saacado kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Hoggaanka kooxda, oo ay hareereeyeen daraasiin dagaalyahanno hubaysan, ayaa warbaahinta kala hadlay kurisga awooda dalka.

Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalka uga tagay si uu uga baaqsado dhiig daata.

“Ghani wuxuu u baxay si looga fogaado isku dhacyada Taliban oo qatar gelin doonta malaayiin qof oo reer Kabul ah, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Ma uusan shaacin meesha uu hadda joogon, balse wararku waxay sheegayaan in uu u duulay dalka Tajikistan.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Taliban ayaa u sheegay Al Jazeera, in cafis la siin doono kuwii la shaqeynayay dowladda iyo milateriga ay reer galbeedka taageerayeen.

Laga soo bilaabo duulaankii uu Mareykanku hogaaminayay ee Afghanistan sanadkii 2001, Mareykanku wuxuu tababaray kumanaan ciidamada amniga Afghanistan ah, kuwaas oo hadda qaarna ku biiray Taliban, kuwana kala carareen.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee Kabul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this