Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ajandaha shirka ay iclaamiyeen Golaha Wadatashiga Qaran?

Recommended Posts

Deeq A.   
20210815_233333.jpg?resize=720%2C346&ssl

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19-ka bishan Ogoosto.

Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono u diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Warkan ayaa laga soo saaray kulan ay caawa habka fogaan aragga (internet-ka) ku yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad ģoboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay dowlad goboleeyada in ay dardargeliyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac, loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay ajandaha shirka ay iclaamiyeen Golaha Wadatashiga Qaran? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this