Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-Gareen Oo Soo Dhameystiray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhameystiray Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xalay soo saaray Musharaxiinta Lix kursi oo ka harsaneyd Senatorada laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kuraastaas ku tartamaya laba Musharax oo dooneysa inay kamid noqdaan Golaha Aqalka Sare.

Doorashada Musharaxiintan ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacdo maalinta berri oo taariikhda ku beegan tahay 15-ka bishaan Agoosto 2021, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka KGS.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay.

1-18.jpg?resize=679%2C960&ssl=1 2-17.jpg?resize=679%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Lafta-Gareen Oo Soo Dhameystiray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this