Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska degmada Buurtinle oo qabtay Khamri fara badan iyo Raggii watay

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa soo bandhigay in ka badan 570 dhalo oo khamri ah, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku sameeyay.

Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa warbaahinta u sheegay in khamrigaas lagu qabtay degaanka Maygaagle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana xiga dhanka xadka Itoobiya.

Laba xiddigle Maxamuud Miig, ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga, kadib markii ay iska caabin ku sameeyeen Booliiska, iyadoo mid kamid ah raggaas uu dhaawac ka gaaray lugta.

Hawlgalka waxa lagu qabtay 576 dhalo oo khamri ah iyo afar nin oo mas’uul ka ahaa khamriga kana soo geliyay dhanka Itoobiya. Iska caabin ayay sameeyeen, waana ku guulaysanay in aan qabanno” ayuu yiri Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle.

Taliyaha ayaa sheegay in ay Garsoorka hor-gayn doonaan Khamriga iyo shakhsiyaadka lagu soo qabtay, si loogu qaado sharciga.

PUNTLAND POST

The post Booliiska degmada Buurtinle oo qabtay Khamri fara badan iyo Raggii watay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this