Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo la timid xeelad cusub oo ay u adeegsaneyso Dagaalka ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo la timid xeelad cusub oo ay u adeegsaneyso Dagaalka

A woman is held by an assistant at a safe house for survivors of sexual assault, in Mekelle in Tigray, Ethiopia - February 2021
Wax yar oo ka mid ah dumarka xad gudubka galmo lagu sameeyay ayaa helay caawinaad

Militariga Itoobiya iyo xulafadooda ayaa mas’uul ka ah “kufsi aad u baahsan oo dumar loogu geystay gobolka Tigray. Waxayna ciidamada dowladda arrintaas ka dhigteen xeelad cusub oo ay u adeegsadaan dagaalka,” sida ay sheegtay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Heerka ay gaareen xad gudubyada dhacay sagaalkii bilood ee uu dagaalka ka socday waqooyiga dalkaas, waxay la mid yihiin dambiyo dagaal, ayay tidhi hay’adda difaacda xuquuqda aadanaha.

Sida ay qortay hay’adda, haweeney ayaa sheegtay in “kufsi wadareed loogu geystay carruurteeda horteeda.”

Mas’uuliyiinta Itoobiya kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyay.

Amnesty waxay sheegtay in ay heysto “caddeymo waaweyn” oo muujinaya in xad gudubyada galmada ay joogto ahaayeen tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee uu dagaalka billowday.

Waxa ay billowdeen bishii November ee sannadkii la soo dhaafay markii xoogagga xisbiga TPLF ay weerareen saldhig militari, ka dib khilaafkii soo kala dhex galay iyaga iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ay isku maan dhaafeen isbadalladiisa siyaasadeed.

Digniin: Dadka qaar waxay dhibsan karaan xogaha ku jira qoraalkan.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha waxa ay wareysatay 63 dumar ah iyo carruurtooda oo ka soo jeeda gobolka Tigray, kuwaas oo sheegay “in ay kufsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ama dagaalhayannada kale ee ka socda gobolka dariska ah ee Amxara ee garabka siinaya dowladda.”

Qoraaga warbixintan ayaa BBC-da u sheegtay in markhaatiyaasha ay la kulmeen ay ku jiraan kuwii ugu darnaa ee ay abid maqasho, intii ay xirfaddeeda ku jirtay.

“Heerka uu gaarsiisan yahay jir dilka iyo kufsiga oo u sii dheer, waa mid aad looga naxo,” ayay tidhi Donatella Rovera.

People react as they stand next to a mass grave containing the bodies of 81 victims of Eritrean and Ethiopian forces, killed during violence of the previous months, in the city of Wukro, north of Mekele, on February 28, 2021.
Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka ka socda gobolka Tigray

 

Haweeney 39 sano jir ah ayaa sheegtay in ay qabsadeen ciidamada Eritrea xilli ay la safreysay labo carruur ah oo ay dhashay.

“Shan ka mid ah waxa ay igu kufsadeen carruurteyda hortooda,” ayay haweeneydaas u sheegtay hay’adda Amnesty International.

“Bir lagu sifeeyo qoryaha ayay igu gubeen. Qeybo ka mid ah birtaas ayay iga dhex galiyeen ilmo galeenka; taas ayaan xanuun badan kala kulmay. Ka dib waxay iiga tageen waddada,” ayey sheegtay.

Qaar ka mid ah haweenka ay wareysatay hay’adda Amnesty waxay sheegeen in la heystay dhowr isbuuc, marar badanna la kufsaday, inta badanna ay ahaayeen kufsi wadareedyo.

Ku dhawaad kalabar ka mid ah dumarka hadlay waxa ay eedeeyeen militariga Eritrea, oo ay sheegeen in ay geysteen tacaddiyada, waxayna sheegeen in arrintaas ay ku caddeyn karaan in ay ku hadlayeen luqadda Tigringa iyo direyska ciidamada ee ay xirnaayeen.

Amnesty waxa ay ugu baaqday Qaramada Midoobay in si degdeg ah ay koox khubaro ah ugu diraan gobolka Tigray, si ay baaritaanno dheeri ah ugu soo sameeyaan eedeymaha noqon kara dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada.

.

Saraakiisha Itoobiya oo ay BBC-da la xiriirtay kama aysan soo jawaabin codsigeenna ku aaddan inay arrintan wax ka dhahaan. Sidoo Kale Amnesty oo wacday mas’uuliyiinta Itoobiya iyo Eritrea wax jawaab ah ma aysan ka helin.

“Sida ay u baahsanaayeen falalka waxay muujineysaa in madaxda militariga ay ka war qabeen waxa dhacayay, dhagahana ay ka fureysanayeen madaxda sare ee Itoobiya iyo Eritrea,” sida ay shegetay Amnesty.

“Qaabka ay xogta isku midka ah u bixinayaan dadka loo geystay tacaddiyada galmada waxay muujineysaa in xad gudubyada ay qayb ka ahaayeen istiraatiijiyad lagu argagax galinayay, laguna bahdilayay dhibbaneyaasha iyo qowmiyaddooda, labadaba,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ms Rovera waxay sheegtay in dadka loo geystay dhibaatada aysan helin caawinaadda ay u baahnaayeen si ay uga soo kabsadaan waxa ku dhacay, intooda badanna ay iyagoo sabool ah ku nool yihiin xeryaha qaxootiga ee Suudaan ama kuwa gudaha gobolka Tigray.

Maalintii Talaadada, markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ugu baaqay shacabka in ay ku biiraan militariga si ay ula dagaallamaan xoogagga Tigray, waxa uu sidoo kale ciidamada Tigray ku eedeeyay inay qoranayaan carruur askartooda ka mid noqda, inay dumarka kufsadaan iyo inay hor istaagaan gargaarka bani’aadannimo.

Amnesty waxa ay sheegtay in aysan la kulmin wax dumar ah oo Tigray ku eedeynaya kufsi, balse waxa ay intaas ku dartay in ay sii sameyn doonto baaritaanno la xiriira xaaladda hadda uu marayo dagaalka oo ka gudbay xuduudaha gobolka Tigray.

TPLF, oo dowladda ay u aqoonsatay tahay urur argagixiso ah, balse iyadu sheeganeyso in ay tahay dowladda rasmiga ah ee gobolka Tigray, ayaa dowladda dhexe ku eedeyay inay adeegsaneyso “hadallo sun ah” oo ka dhan ah dadka reer Tigray, ayna mas’uul ka tahay xayiraadda gargaarka bani’aadannimo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this