Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma ka jira wararka sheegaya In Xildhibaan Faratoon iska casilaayo Xilka xidhibaanimo?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Ma ka jira wararka sheegaya In Xildhibaan Faratoon iska casilaayo Xilka xidhibaanimo

 

faratoon.jpg

Xoggo Wargeyska Waaberi helay, ayaa iftiimiyey in Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamid Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana dhawaan tartan adag u gallay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,balse lagaga guuleystay inuu qorshaynayo inuu iska casilo Xilka Xildhibaannimo ee Golaha.

Xoggahan oo Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo ka agdhow Xildhibaan Faratoon,ayaa tibaaxay in Xildhibaan Yaasiin uu hadda ku hawlan yahay sidii uu iskaga casili lahaa Xildhibaannimadda Golaha Wakiillada Somaliland,maddaama oo uu ku guulaysan waayey xilka Guddoomiyenimadda Golaha Wakiillada oo uu soo doontay,waxaana la sheegay in asxsaabtiisu ay kula talliyeen,isla markaana ay ku booriyeen inuu go’aankaa qaato,balse waxa la sheegay inuu sugayo tallo waddaag uu kale yeellanayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo,illaha Wararkan aanu ka helay daah-furreen in Xildhibaan Yaasiin Faratoon uu laftiisu sheegay in aanu xiiso u qabin Xildhibaannimada Golaha Wakiillada,isla markaana ay ujeedadiisu ahayd inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,balse haddii uu waayey inay ku adagtahay inuu ka sii mid ahaado Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hore uga soo mid noqday.

Geesta kale, waxa xoggahani ay markii u horraysay fasiraad ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo is casilaada Xildhibaan Faratoon inay sabab u yihiin guul-darradii uu ku guul-darraystay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ,arrinkaasna waxa xogguhu ku fasireen inuu salka ku hayo laba ujeedo oo midi tahay hore inuu Xildhibaan hore oo Golaha Wakiillada ahaa,isla markaana aanu xiiso u qabin Xildhibaannimo,waxa kaloo qodobkaa raaca in dawladda Madaxweyne Biixi ay u wadday inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,isla markaana ay ahayd sababtii uu iskaga soo casiley Xilkii Wasiirka Wasaaradda arrimaha debada Somaliland,haseyeeshee haddii uu waayey Guddoomiyenimaddii Golaha Wakiillada in ay adagtahay inuu ka sii mid ahaado Golaha uu hore uga soo mid ahaan jiray.

Dhanka kalene waxay xoggahani intaas ku dareen in Siyaasiyiin iyo haldoor baddan oo asxaab la ihi ay u soo jeediyeen Xildhibaan Faratoon in sumcadiisu ay ku jirto inuu iska casilo Golaha,isla markaana aanu ka sii mid ahaan Xildhibaannada Golaha,maddaama oo uu ku guul-darraystay maqsadkiisii ahaa inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillad,balse waxa la sheegay inuu qaatay tallooyinkaas,isla markaana uu go’aankiisu kale caddaan doonno maal-maha soo socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this