Sign in to follow this  
Siciid1986

Qabow Biyaha fadhiisiyay oo habeenadii u dambaysay ka dhacay Degmada Tog-Wajaale

Recommended Posts

Qabow Biyaha fadhiisiyay oo habeenadii u dambaysay ka dhacay Degmada Tog-Wajaale

 

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalo-xuduuddeeda Wajaale, ayaa cabasho ka muujiyay qabow ba’an oo habeenadii u dambeeyay ku fadhiistay deegaankaas.

 

Inkastoo labadii todobaad ee u dambeeyay qabow xad dhaaf ah laga dareemay inta badan deegaamada Somaliland, haddana waxa reer Wajaale u dheer magaalada oo meel banaan ah oo aan Dhir lahayn ku taala.Qabow Biyaha fadhiisiyay oo habeenadii u dambaysay ka dhacay Degmada Tog-Wajaale “Biyihii Foostooyinka ku jiray way fadhiisteen oo Baraf ahaan baaba la isugu shiidayay,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada magaalada Tog-Wajaale oo shalay fiidkii u waramay Wargeyska Ogaal. “Caawa lafteeda (xalay) qabowgu sidii uun buu u muuqdaa. Qabowgu Ey fara badan buu ku laayay magaalada oo Bakhtigooda lagu arkayay, waqtigii ugu dambeeyay ee qabow noocan oo kale ahi nagu habsadaana waxay ahayd 2003,” ayuu raaciyay ninkaa u waramay Wargeyska Ogaal.

 

Inta badan goobaha dadweynuhu ku kulmaan, waxa maalmihii u dambeeyay lagu hadal hayay qabowga faraha badan oo labadii todobaad ee u dambeeyay habeenka ka ka dambeeya isa soo taraya.

 

Ma cadda sababta keentay qabowga fara badan ee ku habsaday deegaamada Somaliland iyo wadamada jaarka ah intaba. Hase yeeshee, waxa sabab looga dhigi karaa isbedelka Cimilada Adduunka iyo dikhowga ku yimi hawada oo ay saamaysay Sunta Wershadaha wadamada horumaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this