Sign in to follow this  
Deeq A.

Senatoradii ugu horreeyey ee PUNTLAND oo lagu doortay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa haatan ka socota doorashada 11- Senator ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha  Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatorada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqonaya Senatorkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kuraasta labaad, saddexaad, afaraad, shanaad iyo lixaad ayaa doorashadooda loo qabtay codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen 5 ka mid ah tobanka musharrax ee ku tartameysay kuraastaas, waxaana kusoo kala baxay Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntaland, musharrax  Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) oo ah wasiirka dekedaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) oo ah wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Bari ee Puntland iyo Daahir Ayaanle Saciid oo ah ganacsade.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kuraasta xigta ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

The post Senatoradii ugu horreeyey ee PUNTLAND oo lagu doortay Garoowe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this