Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tallooyin wax-ku-ool ah u jeediyay shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiillada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tallooyin wax-ku-ool ah u jeediyay shir-gudoonka cusub ee golaha Wakiillada.
07/08/2021- Sabtidii maanta oo ay xilka la kala wareegayeen shir-guddoonkii hore ee golaha Wakiillada JSL iyo shir-guddoonka cusub, ee dhawaan loo doortay xilkaasi, ayaa masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadaasi, qaar ka mid ah la gudoonsiiyay shahaadooyin lagu maamuusay.
Masuuliyiinta shahaado sharafta la gudoonsiiyay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam oo loo guddoomay, guddoomiyaha golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed iyadoo lagu maamuusay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen doorashadii shir-gudoonka cusub ee salaasadii 03/08/2021 lagu doortay Cabdirisaaq Khaliif Axmed guddoomiye, Siciid Mire Giire guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Cali Xaamud Jibriil guddoomiye ku xigeenka labaad.
Waxa kale oo la guddoonsiiyay shahaado sharaf, masuuliyiin kale oo ay u arkeen in ay mutaysteen, abaal-marin, Waxanna kamid ahaa shir-guddoonnadii hore.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo madasha xil-wareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay shir-guddoonkii hore isagoo xusay sidii wanaagsanayd ee ay u soo wadashaqeeyeen halka uu u rajeeyay shir-guddoonka cusub iyo dhammaan xildhibaanada cusub in si wanaagsan ay u wada shaqayn doonaan isagoo Alle-na uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee ay qaadeen.
Guddoomiye Aadam oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Hoggaanka cusub ee guddoomiye Cabdirisaaq hogaaminayo waxaan kula dar-daarmayaa waxa idiin taala shaqada ah in aad isku dheeli-tirtaan la shaqaynta hay’addihii Dastuuriga ahaa, wa’ayo shir-guddoonka imika yimid, waxay hoggaankiisa qabteen waax ka mid ah waaxihii qaranka, markaa waajib Dastuuri ah bay ku tahay in ay hay’adaha kale ee Dastuuriga ah la shaqeeyaan oo ay ixtiraam ku wada shaqeeyaan, wanaag ku wada-shaqeeyaan, aa’raa fiican la is-waydaarsado taana waan ka rajaynayaa, wa’ayo ragga loo doortay guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen waa rag u qalma xilka loo doortay”. Waxa kale oo uu guddoomiye Aadam u jeediyay golaha cusub in ay dib-u-habayn ku sameeyaan xeerarka u baahan dib-u-habaynta (reform-ka) sida xeer hoosaadka golaha si aanay gol-daloolooyin u soo bixin.
Allaa Mahad leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this