Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay u jeedada wafdiga federaalka ee Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
20210731_155343.jpg?resize=720%2C418&ssl

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Axmed Faarax ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe.

Mas’uuliyiinta waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxayna u jeedada safarkooda ku sheegeen ka qeybgalka xuska sanad-guurada 23-aad ee Puntland.

Balse u jeedada ugu weyn ee ay Garowe u yimaadeen waxay tahay raadinta kuraas baarlamaan oo ay qaarkood horay u fadhiyeen, waxayna ka qeybgali doonaan doorashada Aqalka Hoose ee ka dhici doonta Puntland.

Xubnaha federaalka ee maanta yimid Garowe ayaa dhammaantood ka soo jeeda deegaannada Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka wafdiga

PUNTLAND POST

The post Maxay tahay u jeedada wafdiga federaalka ee Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this