Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mahad Salaad: Qorshaha Khaarijinta Ikraan Tahiil Waxaa Leh Fahad Yaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in Fahad Yaasiin oo ah madaxa basaasiinta Soomaaliya iyo Kulane Jiis ay mas’uul ka ahaayeen qorshaha lagu qaarijinayo basaasadda Ikraan Tahiil.

Xildhibaankan afka dheer ayaa intaa raaciyey  in marka hore laga shaqeeyey in Ikraan dalka lagu soo celiyo, kadibna laga taqaluso, waxaa uuna caddeeyey in sidaa loo sameeyey si loo baabi’iyo xogo ay heyso oo ay ka mid yihiin dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale.

Akhriso: Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad

Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!

Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!

Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!

Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin  Ikraan.

Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!

Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay  qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this