Sign in to follow this  
macalimuu

MAANAKOOBIYO - MENTAL WARD

Recommended Posts

MAANAKOOBIYO!

 

JILAYAASHA :

 

INJINEER KHALIIF BAADIYOOW.

MMOORRYAANN AXMED JERRY.

DR GUUTAALE.

KALKAALISO KHEEYRTO.

 

JILLIDA KOOWAAD:

 

GUDAHA: ISBITAALKA DADKA WAALAN LAGU XANAANEEYO

 

FORLANINI HOSPITAL

 

GUDAHA: QOLKA BUKAAN JIIFKA:

 

LABA SARIIR OO GO’YAAL CAD CAD LAGU GOGLAY AYAA DHEX YAALA QOLKA.

 

SARIIRTA DHINACA BIDIX WAXAA AG YAAL KOOMADIIN EEY SAARAN YIHIIN KITAABKA QURAANKA, TUSBAX LAGU WARDIYO, JARAA’IDKA AL-AHRAM, JARAA’IDKA PANORAMA IYO UNCLE TOM’S CABIN NOVEL.

 

SARIIRTA DHINACA MIDIG WAXAA AG YAAL KOOMADIIN EEY SAARAN YIHIIN DHALAYAREEY CAANO GEEL’ OO GAROOR AH, LIIN BAMBEELMO IYO RADIO.

 

 

QOLKA WAXAA SOO GALAYA AXMED MADOOBE OO KU MAGAC DHEER JERRY IYO KHALIIF BAADIYOOW OO KU MAGAC DHEER INJINEERE.

 

JERRY WAXUU AHAAN JIRAY MMOORRYYAANN ISBAARO WEYN OO AFRTA JARDEENO KU TAAL FADHIISAN JIRAY. DHAAWAC XUN AYAA LUGTA KA SOO GAARAY, KA DIBNA WUU QAFIIFAY.

 

KHALIIF BAADIYOOW WAXUU AHAA INJINNER DHINACA KORNATADA, WAXUU KA SHAQEEYN JIRAY SALDHIGA KORNTADA EE JAZIIRA INTAAN LA BILILIQEEYSAN.

XAASKIISII IYO CARUURTIISABA WAXEEY KU DHINTEEN MADFAC DAWAAF AH OO GURIGOODA KU HABSADAY. QARAACAN IYO WAALI AYUU ARINTAAS KA QAADAY.

 

LABADAN NIN MUDDO SEDDAX BILOOD AH AYAA LAGU HAAYAY ISBITAALKA DHIMIRKA EE FORLANINI.

 

KHALIIF: Saaxiib Jerry, aniga dhaqtar Guutaale ayaan la hadalay, waxaana u sheegay inaan caafimaad qabo oon bogsaday, waxaana ka codsaday in la iga qaado imitixaan (psychiatric examination) si aan meeshaan uga baxo.

 

AXMED: injineeere nin xun ba tahay, maxaa iila socodsiin weeyday arintaas. Anigaba balaayo waan ka caafimaad qabaa. Hadda ayaan u sheegayaa dhaqtar Guutaale in anigana imtixaankaas la I mariyo, ileeyn meeshan kaligeey ma joogi karee hadaad adiga ka tagtid.

 

 

WAXAA QOLKA SOO GALAYA KALKAALISO KHEEYRTO.

 

KHEEYRTO: Maalin wanaagsan.

 

AXMED: Wanaagsan kheeyrto, xaloo dhan baan kuugu riyoonayay ee adigana ma igu riyootay?

KHALIIF: Wanaagsan kalkaaliso kheeyrto:

 

KALKAALISO KHEEYRTO WAA YARA DHOOLA CADEEYNEEYSAA, WAXEEYNA KU QOREEYSAA DIIWAAN GALIYAHEEDA KALTANKA DAAWA SIINTA BUKAANKA.

 

KHEEYRTO: OK, injineere adiga daawada waa laga joojiyay oo uma baahnid, laakiin Axmed adiga waa inaad qaadatid laba kaniini oo Valium ah caawa.

 

AXMED: VALIUM la’aantiis dhimasho waaye laakiin laba waa igu yar tahay ee ii badi sidii qaloon aan u quutee.

 

KHEEYRTO: Maya , adiga laba ka badan ma u baahnid. Khaliif adigana berito sagaalka aroornimo waxaad leedahay imtixaan ee la soco oo ha ka soo daahin balanta. Dr. Guutaale ayaa ku arkaya.

 

AXMED: Marwo Kheeyrto anigaba waan inaan imtixaanka galaa ee igu xijiya Khaliif. U sheeg Dr. Guutaale inaan diyaar ahay.

 

KHEEYRTO: Waa Hagaag Axmed.

 

KALKAALISO KHEEYRTO WAA QOSLEEYSAA OO QOLKA KA BAXEEYSAA.

 

 

JILLIDDA LABAAD:

 

GUDAHA QOLKA DR. GUUTAALE: DR. GUUTAALE IYO KAALKAALISO KHEEYRTO WAXEEY ISU DIYAARINAYAAN INEEY IMTIXAAN DHINACA MASKAXDA AH KA QAADAAN BUKAAN JIIFKA KAHLIIF IYO AXMED.

 

GUDAHA QOLKA SUGITAANKA: AXMED IYO KHALIIF AYAA WAXEEY SUGAYAAN IN LOO YEERO SI IMTIXAANKA LOOGA QAADO. SHEEKADAN AYAA DHEX MAREEYSA.

 

AXMED: Injineere waa og tahay inaan waxna qorin waxna aqrin oo fdamiin dab ka dhuus ahay ee meesha iga tiiri oo imtixaanka ii qish. Markaad soo baxdid oo soo dhameeysatid imtixaanka ee sheeg waxaad ku jawaabtay.

 

KHALIIF : Waa yahay jerry, waan kuu sheegayaa jawaabaha hadii eey ku anfacayaan.

 

KALKAALISO KHEEYRTO AYAA U YEEREEYSA KHALIIF BAADIYOOW. KHALIIF AYAA ISTAAGAYA OO ABAARAYA QOLKA DR. GUUTAALE.

 

DR. GUUTAALE: Subax wanaagsan injineere, imtixaanka ma aha mid sidaa u badan ee diyaar ma tahay.

 

KHALIIF: Haa Dottore.

 

DR.GUUTAALE: Waa su’aal waxaad ka soo qaadaa inaad joogtid maqaayad cunto ayaad dalbatay, waxaa laguu keenay Saxan baasto ah, insalaato, moos iyo koob isbarmuuto ah. Waxaa kaloo miiska yaala qaado, fargeeto, middi iyo istiraasho.maxaad sameeyn laheeyd? Sidee baad u cuni laheeyd.

 

KHALIIF: Waa sahal taas Dottore, baastada waxaan ku cuni lahaa qaadada iyo fargeetada. Saladkana sidoo kale fargeetada loogu tala galay. Biyaha waan cabi lahaa. Mooska waan diiranayaa oo cunayaa, istiraashadana afka ayaan ku tirtiranayaa.

 

DR. GUUTAALE: OK. Imtixaanka intaas ayuu ku ek yahay Khaliif. Kalkaaliso Kheerto ayaa kula soo xiriireeyso si eey natiijada kuugu sheegto.

 

KHALIIF WAXUU KA BAXAYAA QOLKA, WAXAA KU SOO ORDAYA AXMED OO RABA IN LOO QISHO .

 

AXMED: Ii sheeg maxaad ku jawaabtay?

 

KHALIIF: Su’aasha hore waxaa ku jawaabtaa qaado iyo fargeeto ayaan ku cunayaa, tan labad waa diiranayaa, tan ku xigtana waan fiiqanayaa

 

KHALIIF QOLKIISA AYUU ABAARAYAA. KALKAALISO KHEEYRTO WAA U JEEDAA OO MAQLEEYSAA SHEEKADA LABADAN BUKAAN DHEXMAREEYSA.

KALKAALISO KHEEYRTO AYAA U WACEEYSA AXMED

 

AXMED AYAA SOO GALAYA QOLKA DR. GUUTAALE.

 

AXMED: Dottore aniga diyaar baan ahay ee waxaad su’aal aduunka ku heeyso soo daa.

 

DR. GUUTAALE: OK! Su’aasha koowaad, waxaad joogtaa xeebta liido, badda ayaad ku dabaalaneeysaa. Waxaa laguu sheegay digniin ah in libaax badeed ( Pesce cane ) xeebta ku soo dhawaaday, maxaad sameeyn laheeyd?

 

AXMED: Taas sahal waaye. Qaado iyo fageeto aan u qaadanayaa o ku cunayaa.

 

KALKAALISO KHEERTO OO HOOS KA QOSLEEYSA AYAA DIIWAAN GELINEEYSA JAWAABTA AXMED JERRY.

 

 

DR. GUUTAALE: waxaad joogtaa meel duur ah oo bahalo badan dhurwaa ayaad aragtay, maxaad sameeyn laheeyd?

 

AXMED: Waan cabi lahaa.

 

DR. GUUTAALE: Ka soo qaad inaad banooni ciyaareeysid ood goolhaye tahay, banooni ayaa laguugu soo laaday, maxaad sameeyn laheeyd?

 

AXMED: Waan fiiqan lahaa oo cuni lahaa.

 

DR. GUUTAALE: OK, Axmed su’aalihii waa dhamaadeeyn, waxaa natiijada kula socodsiinayaa kalkaaliso Kheerto.

 

 

AXMED WAXUU AADAYAA QOLKIISA OO SARIIRTIISA AYUU XABAD XABAD ISUGU TUURAYAA.

 

 

WAA SOCOTAA

 

ENGLISH VERSION- NOT COMING SOON

Share this post


Link to post
Share on other sites

JILLIDA SADAXAAD

 

GUDAHA QOLKA BUKAAN JIIFKA.

 

AXMED WAXUU DHAGEEYSANAYAA RAADIYAHA, WAXAANA RAADIYAHA KA SOCDA HEES QARAAMI AH OO HOBALLADA MAGOOL KU LUUQEEYNEESO:

 

CODKA RAADIYAHA:

 

Shimbarayahow heesa hees wanaagsan heesa

Heesa heesa heesa hees wanaagsan heesa

Kaalayoo agteeyda halkan soo fadhiista

Shmibarayahow heesa heesa wanaagsan heesa!

 

KAHLIIF BAADIYOOW WAXUU AQRISANAYAA NOVEL-KA UNCLE TOM’S CABIN. AXMED AYAA LA HADLAYA KHALIIF.

 

AXMED: injineere goormaa kuugu danbeeysay xeebta liido, neecaawda iyo uduga badda, caramaanyadii cadeed, hirarkii weynaa ee iska daba imaanayay, shimbirihii quruxda badnaa ee badda dusheeda ku haadaayay.

 

KHALIIF NOVEL-KUU AQRISANAYA AYUU KOOMADIINKA DUSHIISA SAARAYAA, WUU FADHIISANAYAA ISAGOO AAD MOODO INUU U RIYAAQAYO HADALKA AXMED.

 

KHALIIF: Saaxiiboow Axmed mar hore,

 

AXMED: Ka waran hadaan aadno badda, darbigan iyo buurtaas bacaadka badan iyo alkoeeystayaal jamaljaan ah aa naga xiga.

 

KHALIIF: Axmed saaxiiboow waa runtaa laakiin sideey derbigaan uga boodeeysaa lug baad la’dahaye, waana og tahay inaan banaanka noola ogoleeyn oo waardiyaasha iridka weyn jooga nama arki karaane.

 

AXMED: Ilaahayoow nimaan wax ogeeyn ha cadaabin, Injineere aniga waan buubaa ee adiga yeeysan luguha ku ciilin.

 

AXMED IYO KHALIIF WAXEEY SI DHUUMASHA AH UGA BOODAYAAN DARBIGA ISBITAALKA. WAA DUHUR MILICDU AAD U KULUSHAHAY. DAQIIQADO KA DIB WAXEEY IMAANAYAAN BADDA. AXMED WAXU BILAABAYAA INUU XEEBTA KU ORDO.

WAXUU ARKAYAA KOOX DHALINYARA AH OO BANOONI CIYAARAYA. BOORTIYEERI AMA GOOLHAYE AYEEY KA DHIGANAYAAN.

 

KHALIIF WAXUU SEEXANAYAA XEEBTA SI UU U QOROXEEYSTO. WAXUU GALAYAA RIYO MAALMEED.

 

KHALIIF RIYADIISA:

 

WAA HABEEN CAWO LEH OO DADKOO DHAN WADA FARAXSAN YIHIIN. WAA XAFLADII AROOSKIISA. CARUUSADDA CAASHA XAAJI OO TAAJ QURXOON U SAARAN YAHAY AYAA DHINAC FADHIDO KHALIIF OO AAD U FARAXSAN SI HEER SARE AH U LABISAN.

KOOXDA IFTIN AYAA MUSIC DABACSAN DADKA UGU RAAXEEYNEEYSA. AROOSKA AYAA LA GALBINAYAA, DUMAR AYAA MASHXARADAYA….....

 

BANOONI AYAA KHALIIF KU SO AG DHACAYA OO RIYO MAALMEEDKIISA KA JOOJINAYA.

AXMED JERRY OO DAALAN AYAA SOO AG FADHIISANAYA.

 

AXMED: Waan soo daalay, ciyaal kaambo iyo ciyaal wardhiigleey oo isku dhaarsan baan dhexda ka galay, alla maxa igu watay, gool baa la iga dhaliyay oo anigaa daalac la ii raacday, ka dibna waa igu xanaaqeen oo iga soo saareen ciyaarta.

 

 

KHALIIF: OK, inta iska fadhiiso hee oo iska raaxeeyso.

 

CABAAR MARKEEY AAMUSNAAYEEN AYUU AXMED BILAABAY HADAL

 

AXMED: Injineere aan ciyaarno kisi iyo dhaban

 

KHALIIF: OK.

 

AXMED AYAA INTUU CALAACALIHIISA CIID KA BUUXSADAY FARAHA ISKU LAABAY KA DIBNA BILAABAY CIYAARTA KISI IYO DHABANKA.

 

AXMED: Jek?

 

KHALIIF : Isjiid!

 

AXMED: HAHA…Rimoorkiisaa u jeedaa.

 

WAA SOCOTAA

 

ENGLISH VERSION- NOT COMING SOON

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lefty   

rageedii..Banooniga waa fiiqana waana cunaa kulahaa LOL..

 

Af-soomaali akhrintiisa aad iyo aad baa loogu xiisay. Sheekadan khaliif wuxuu u eg yahay qof iska caadi ah laakiin Axmed wixiisa kadareey waaye. Awoowe, meeshaas kasii wad LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this