Sign in to follow this  
Deeq A.

 Aabbo Soomaaliya oo 55 jir ah oo go’aansaday inuu noloshiisa wax bedelo,Isguulna Bilaabo+Wuxu la kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Aabbo Soomaaliya oo 55 jir ah oo go’aansaday inuu noloshiisa wax bedelo,Isguulna Bilaabo+Wuxu la kulmay

Aadan Muxumed Cumar

Aadan Muxumed Cumar, waa aabo Soomaaliyeed oo 55 sano jir ah, wuxuu wax ka bartaa mid ah iskuullada ku yaala magaalada Garissa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wuxuu soo maray xaalado kala duwan, sida uu sheegay balse ugu dambayntii wuxuu go’aansaday inuu waxbarashada dhankeeda tijaabiyo.

Aadan, fasalka uu dhigto waxaa ku wehliya arday da’yar, balse sheekada aabahan ayaa dhiiragelinaysa dad badan oo u haystay in qof weyn uusan wax baran karin.

Aabahan ayaa BBC-da uga warramay sababta ku kaliftay inuu xilligan waxbarasho bilaabo, wuxuuna sheegay inuu rabo in uu tusaale uu u noqdo dadka aaminsan in qof weyn uusan xilligan xiran karin dharka iskuulka ee carruurta ay xirtaan.

Wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay inuu soo maray xaaladda kala duwan ka hor inta uusan go’aansanin inuu noqdo arday.

“Wax badan ayaan soo maray aniga, reer baadiya ayaan ahaa oo xoolo ayaan soo raaci jiray, kaddib waxaan aaday Nairobi ilaa Kisumu, waxaana ka soo qabtay shaqooyin kala duwan,” ayuu yiri.

“Waxaan mar ahaa waardiye, inta badanna dad ayaan u shaqaynaayay, marna anaa shaqaysanayaay oo alaab ayaan wareejin jiray waxaana wadi waayay shaqooyinkaas waxbarasha la’aan darteed, sababtoo ah dadka magaalooyinkaas joogo luuqada kale ayey ku hadlaan.”

 

Aadan Muxumed Cumar

Aaadan ayaa sheegay in shaqooyinkii uu soo qabtay dhamaantood uu wadi waayay “waxbarasha la’aan darteed”.

Caqabadda ugu wayn ee uu la kulmay waxay ahayd luqadaha ay dadka kale ku hadlaan, si gaar ah, magaaloyiinkii uu ka soo shaqeystay.

“Muddo shan iyo toban sano ah ayaan dad u shaqaynayay ka dib ayaan ganacsi aan aniga leeyahay bilaabay. Waxaan ogaaday ugu dambayntii in waxbarasha la’aan aan meel la gaari la’ahay”, ayuu u sheegay BBC Somali.

“Hadaad rabto in aad ganacsi ka shaqayso, waa in aad aqoonteeda leedahay. Hadaad rabto in aad xafiis ka shaqayso, waa inaad aqoon leedahay. Hadaad rabtid in aad siyaasad gasho, waa inaad aqoon leedahay. Marka aqoon la’aan meel looga maarmo malahan,” Ayuu yiri Aadan.

Ninkan 55 sano jirka ah wuxuu ardayda da’da yar ku booriyay muhiimadda ay waxbarashada leedahay, wuxuuna tilmaamay in iskuulka uu u xirto dharka loogu talagalay, isaga oo awoodo inuu dharkiisa caadiga ah la tago.

“Waxaan go’aansaday in aan qof walba u muujiso in dharkan la xiran karo oo aysan da’da ku xirnayn.”

“Waxbarashada da’ malahan. Marka waxaan go’aansaday in aan wax barto oo aan tusaale u noqdo ilmaha hadda joogan.

“Waxabarashada maadiga ah waxay kaa caawinaysaa wax badan, haddii aad xitaa diinta faafinayso waxay kaa caawinaysaa in aad luuqad kale dadka ku gaarsiiso,” ayuu sheegay.

Wuxuu intaa ku daray: “Awal dadka ayaan ka codsan jiray in ay wax ii aqriyaan ama wararka luuqadda Ingiriiska lago qoro i fahansiiyaan, balse hadda aniga ayaa wax walba aqristo.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this