Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo loo la’yahah mushaaraadkii

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog muujineysa in inta badan shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir aysan qaadan mushaarkii bishii hore ee May, xili ay dhammaad joogto bisha June. 

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa 15-kii bishan billaabay bixinta mushaaraadka, waxaana la siiyay qeybta arrimaha Bulshada iyo guddoomiyaasha degmooyinka, hase yeeshee waxaa dhiman in ka badan 3 meelood shaqaalaha gobolka, oo weli sugaya mushaarkooda. 

Qeybaha dhiman ayaa kala qeybta amniga iyo siyaasadda, qeybta Howlaha Guud, qeybta maaliyadda iyo qeyb kale oo hoos tagta xafiiska guddoomiyaha Gobalka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in markii la billaabay mushaar bixinta la joojiyay maalin kadib markii la waayay lacag shaqaalaha la siiyo. 

Caasimada Online ayaa todobaadyo ka hor xog ay heshay waxay ku sheegtay in gobolka Banaadir uu wajahayo dhaqaale la’aan xoog leh waxaana muuqata in hadda ay dibadda usoo baxday xogtii aan baahinay maalintaas. 

Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta ka soo baxeysa shaqaalaha gobolka oo intooda badan sheegay in ay halis ugu jiraan in laga saaro guryaha ay dagan yihiin oo kiro ah, halka qaarkoodna ay wajahayaan daruufo kale. 

Xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta gobolka kama aysan jawaabin wicitaankeenna, si aan wax uga weydiino cabashada shaqaalaha oo wajahaya daruufo badan. 

The post Xog: Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo loo la’yahah mushaaraadkii appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this