Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay dhammaan hay’adaha dowladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in si buuxda loo dhaqan-geliyo adeegsiga Af-Soomaaliga.

Wareegto ka soo baxday madaxweyne Deni, ayuu ku amray hay’adaha dowladda Puntland in ay ku dhaqmaan adeegsiga AF-soomaaliga, islamarkaana loo isticmaalo qoraallada xafiisyada iyo wax kasta oo loo gudbinayo dadweynaha.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta Sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, sidaas darteedna loo isticmaalo dhammaan qoraallada iyo boorarka hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland.

DENI.jpg?resize=785%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo amar dul-dhigay dhammaan hay’adaha dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this