Sign in to follow this  
Deeq A.

Corona Oo Koonfur Afrika Ku Soo Laba Kacleyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku soo laba kacleyay safmareenka Covid-19, xilli dadka dalkaas ay la daala dhacayan la tacaalidda xanuunka .

Hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka uu si aad ah ugu sii faafayo dalkan dhaca qaaradda Afrika .

WHO ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhawaan dalka koonfur afrika ay ka sameyneyso xarun lagu baaro talaalka ay Covid-19 ay soo saaran shirkadaha ku yaallo dalka South Africa si wax loga qabto xanuunka, Talaabadaan ayuuna madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa ku tilmamay in ay tahay mid taarikhi ah ,

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 40% dhimashada ay sara u kacday soo laba kacleynta xanuunka awgii .

WHO waxa ay sidoo kale sheegtay in dalka koonfur afrika ay ka dhaqan gelineyso ruqsad siinta shirkadaha dalalka saboolka ah ee doonaya soo saarista talaalka covid .

“Maanta waa maalin ku weyn Afrika. Sidoo kale waa maalin weyn dhammaan kuwa ka shaqeeya sidii sinnaan loogu heli lahaa alaabada caafimaadka. Waxaan ku faraxsanahay Biovac iyo la-hawlgalayaasheena Koonfur Afrika inay doorteen WHO, maadaama Faransiisku ay taageerayeen sannado, ”ayuu yiri madaxweyne Macron. “Hindisahan ayaa ah kii ugu horreeyay ee liis dheer oo soo socda, oo ah inaan sii wadi doonno taageeridda, la-hawlgalayaashayada, oo ku mideysan aaminaadda in u adeegsiga badeecadaha guud ee adduunka ay tahay dagaalkii qarniga oo aan la sugi karin.” ayuu yiri Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus .

Dalka Koonfur afrika ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxa sii kordhay kiisaska dadka laga helayo iyo kuwa u dhimanaya xanuunka Covid-19 .

Dhanka kale Soomaali badan oo ku nool dalka koonfur afrika ayaa waxaa soo wajahay cabsi ku aaddan xanuunka, xilli xayiraado adag dowladda dalkaas ay saartay dalka.

Goobjoog 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this