Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Booqanaya Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Abu Dhabi)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa booqan doona dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, waana booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah islamarkaana heer wasiir ah tan iyo markii labada dal ay ku heshiiyeen in ay hagaajiyaan xidhiidhkooda diblumaasiyaseed, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigtaya xafiiska wasiirka.

Israa’iil, UAE, iyo Bahrain ayaa bishii September wanaajiyay xidhiidhkooda, iyadoo dowladda Israa’iil ay sidoo kale kula heshiisay laba dal kale oo carbeed oo kala ah Morocco iyo Sudan in ay iyana xidhiidh dublumaasiyadeed yeeshaan.

“Wasiirka arrimaha Dibadda, Yair Lapid ayaa sameynaya booqashadii ugu horreysay islamarkaana taariikhi ah oo uu si rasmi ah wasiir arrimo dibadeed Israa’iili ah ku tago Imaaraat-ka,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay xafiiska wasiirka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashadan labada cisho ah oo uu wasiirku ku tagayo Imaaraat-ka 29-ka iyo 30-ka bishan ah, uu martigelin doono wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraat-ka, Sheikh Abdullah bin Zayed al-Nahyan.

Wasiiro ka tirsan Israa’iil ayaa hore u booqday Imaaraat-ka, laakiin Lapid ayaa ah kan ugu darajada sarreeya ee booqan doona dalkan, islamarkaana ay booqashadiisu tahay mid rasmi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this