Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen horjooge iyo dagaallamayaal ka tirsan Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Milatariga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in ay saacadihii la soo dhaafay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo malayshiyaad la socday.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay tuulada Jalable ee Gobolka Shabeellada dhexe, islamarkaana lagu dilay horjooge Jaamac Dheere iyo 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Horjooge Jaamac Dheere ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda Gobolka Shabeellad dhexe, sida ay sheegeen Miltariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa hawlgalkaas lagu dhaawacay ilaa 24 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab, sida ay werisay wakaaladda SONNA.

Waxa xusid mudan in aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen horjooge iyo dagaallamayaal ka tirsan Shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this