Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Macluumaad Ku Saabsan Doorashada Itoobiya, Codeynta, Kuraasta, Gobollada iyo Korjoogeyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya ayaa todobaadkan waxaa ka dhaceysa doorasho guud oo lagu dooranayo mudanayaasha baarlamaanka iyo ra’isul wasaaraha.

Doorashada oo ah midda 6-aad muddo 30 sano ah, dalka ay tirade dadkiisu gaarayaan 109 Milyan, waxaa isku diiwaan-geliyey iney codeeyaan 37.4 million, waxayna ka dhici-doontaa dalka oo dhan marka laga reebo gobollada Tigreyga iyo midka Soomaalida. Gobolka hore waxaa ka jirta xasilooni-darro amni halka gobolka Soomaalida loogu dib dhigay sababo la xiriira is-qabqabsi dhexdooda ah, labaduba waxay doorasho geli-doonaan September 6.

Cod-bixiyeyaasha ayaa u codeyn doona ilaa 547 oo ka titsan xildhibaannada baarlamaanka iyo cidda noqoneysa ra’isul wasaaraha, Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in aan xilliga la dooran doonin 78 ka mid ah 547-baad kursi, oo dib loo dhigay. Doorashadii ugu dambeysay ee guud waxaa ay dhacday 2015.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay qeyb ka noqon doonin korjoogeyaasha caalamiga kadib markii uu fashilmay heshiis ay la geli lahaayeen Adis Ababa.

Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Adis Ababa ayaa  Goobjoog News u sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo (Pan-Africanism), madaxa midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa  doorashada Itoobiya usoo diray kor-joogeyaal ka socda in ka badan 37 dal oo qaaradda ah, Soomaaliya waxaa uga qeyb-galaya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka.

Ilaa hadda xisbiga Prosperity Party ee ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu guul weyn ka helo.

Wararka arrimaha doorashada Itoobiya, Kala soco.

Waa Sawirrada Kooxda Afrikaanka ee korjoogteyn-doonta doorashada Itoobiya: 

korr-1024x768.jpg kor-1.jpg kooo-1024x768.jpg kuu-768x1024.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this