Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii wejiga ka dharbaaxay Macron oo ka hadlay sababta uu falkaas u sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Paris (Caasimada Online) – Ninkii loo haystay inuu dhawaan fagaare ku dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron ayaa la horgeeyay maxkamad, wuxuuna ka hadlay falkaas iyo siduu ku dhacay.

Ninkan oo lagu magacaabo Damien Tarel oo 28-sano jir ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu madaxweyne Macron dharbaaxay, isagoona iska fogeeyay in falkaas uu ahaa mid uu hore usii qorsheeyay, sida lagu sheegay eedeynta loo jeediyay.

Waxa uu dharbaaxada uu ku dhuftay Macron ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan hore uga sii baara-dagin, wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay in dhacdadaas ay ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid Faransiiska.

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninkaan lagu xukumo Sanad iyo 6-bilood oo xabsi ah, maadama uu ku doodayo dacwad-oogaha inuu eedeysanaha saameyay ficil rabshado oo si ula kac ah.

Sidoo kale waxa kooxda dacwada kusoo oogtay ninka dhirbaaxay Macron ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaq-dhaqaaqa loo yaqaano ‘yellow-vest’.

Madaxweyne Macron oo maalin ka hor ka hadlay dhacdadaas ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii Salaasaddii ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaas oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.

Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.

“Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Waxa uu intaas ku daray “in shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”

Muuqaallo lagu baahiyey maalintii Salaasada baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujinayey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin kamid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddelkeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya, isaga oo ku dhawaaqay “ha dhaco Macron”.

Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska, ayada oo madaxda sarre ee dalkaas ay ku tilmaameen ficilka lagu beegsaday madaxweynaha mid ka hor-imaanaya dimuqraadiyada.

“Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo. Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Jean Castex oo la hadlay baarlamaanka.

The post Ninkii wejiga ka dharbaaxay Macron oo ka hadlay sababta uu falkaas u sameeyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this