Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo meel-marisay xeer dood badan dhaliyay oo la xiriira gabdhaha (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulka Puntland ee toddobaadkan ayaa lagu meel-mariyey xeerar dhowr ah oo uu kamid yahay xeerka Gudniinka Gabdhaha, oo dood badan dhaliyey

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkaas guddoominayey, waxayna golaha wasiiradu dood iyo falanqeyn dheer kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka Gudniinka Gabdhaha.

Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay arrimaha Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirka toddobaadkan ku ansixiyey xeerka Daroogada oo ay fadhiga golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaalada Puntland oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo ku kacda fal ah Gudniinka Gabdhaha ay marsiin doonaan ciqaab, maadama sida uu sheegay ay ka hor-imaaneyso xeerka uu golaha meel-mariyey.

“Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa sida ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la marsiin doona ciqaab,” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Puntland.

Xeerka Gudniinka Gabdhaha ee uu meel-mariyey goluhu ayaa waxaa ka taagan dood, inkasta oo golaha ay si aqlabiyad leh ugu codeeyen ansixintiisa, midaasi oo xeerkan ka dhigeysa mid dhaqan galaya, walow aan la ogeyn qaabka uu deegaanada Puntland uga fuli doono

The post Puntland oo meel-marisay xeer dood badan dhaliyay oo la xiriira gabdhaha (Aqri) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this