Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo tababar la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashooyinka iyo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo tababar la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashooyinka iyo dambiyada ka dhasha u soo xidhay guddoomiyayaasha iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha gobolada dalka.

 

3-1-300x138.jpg 1-1-300x160.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta tababar socday labadii maalmood ee u danbeeyay u soo xidhay guddoomiyayaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadaha gobolada dalka.

Tababarkan oo uu daadihinayay garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay wehelinayeen agaasimaha Maxkamadaha guur-guura Sharmaake Yuusuf Faarax iyo la taliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dhanka farsamada Dayib Muxumed Nuur, ayaa mudadii uu socday lagu naaqishay hab-raacyada iyo xeerka doorashooyinka gaar ahaan qodobada la xidhiidha dacwadaha, waxaana guddoomiyayaashii iyo garsoorayaashii ka soo qayb galay kaga doodeen, sifo kasta oo ay dacwadaha iyo cabashooyinka doorashadu ku soo gaadhi karaan maxkamadaha dalka, sidoo kale waxa ay is waydaarsadeen aqoon iyo waayo-aragnimo salka ku haysa qodobada la xidhiidha dacwadaha ka yimaada doorashooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ahmiyada ay leedahay khibrad is-waydaarsigu iyo in lagu sii tababarto sifo kasta oo ay ku iman karaan dacwadaha la xidhiidha doorashooyinku.

Ugu danbayn waxa shir-hawleedka soo gunaanaday guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxaanu xubnaha kulanka ka soo qayb galay kula dardaarmay in ay ku sii tababaraan aqoon is-waydaarsigan ay nasiibka u heleen, garsoorayaasha ku sugan deegaanadii iyo goboladii ay ka yimaadeena. Guddoomiye Aadam ayaa tibaaxay in cabashooyinka ka yimaada doorashooyinka fooda innagu soo haya, ay u baahan yihiin fiiro dheeraad ah maadaama oo mar lawada qabanayo doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada, kuwaasi oo miisaankooda wata. Waxaanu u soo jeediyay xubnaha in ay xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin badhasaabada gobolada dalka, si ay uga qayb qaataan doorka kaga aadan adkaynta xasiloonida bulshada. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu bulshada ku booriyay in ay la yimaadaan ilbaxnimo xiliga codaynta, taasi oo horseedi karta in laba qof oo walaalo ahi ku kala baydhaan cida ay u codaynayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this