Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubeysan oo  ka tirsan Al-shabaab, ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar ka fuliyay Gobolka Wajeer ee Waqooyi bari Kenya.

Al-shabaab ayaa weerartay guriga sarkaal ka tirsan dowladda Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

Sarkaalka ayaa la sheegay wakhtiga weerarku dhacay in uu guriga ka maqnaa, waxaase ku dhintay wiil uu dhalay oo halkaas joogay.

Sarkaalkaas ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Wajeer laguna magacaabo Nuur Jibriil ayaa tilmaamay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarii dhacay, ayna ku raad joogaan xubnaha hubeysan.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this