Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoog leh ayaa hadda ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Warar hor dhac ah waxay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhacay saldhigga degmada Waaberi, oo ku yaalla meel u dhaw isgoyska Dabka. Illaa hadana lama xaqiijin nooca uu yahay.

Wararka horudhac ah ee aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo uu sababay qaraxan, balse weli lama hayo tirada rasmiga ah.

Faah-faahin dhameystiran goor dhow kala soco Caasimada Online.

The post DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this