Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND MA HAYSAA WADADII DOORASHO QOF IYO COD AH?

Recommended Posts

Deeq A.   
oNE.jpg?resize=527%2C522&ssl=1

WQ: Cabdiraxmaan Ciise

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa maanta shirkadda PIITECH kala wareegay qalab caasriya oo ka kooban Server, computers, printers, IRIS iyo softwares, kuwaas oo loo isticmaali doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha, si loo hirgeliyo doorashooyin ku salaysan hannaanka xisbiyada badan.

“Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kala wareegay shidkadda PIITECH qalabkii casriga ahaa ee diiwaangelinta oo ka kooban, server, computers, printers, IRIS iyo softwares koodii” ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa horay u dhammaystiray diiwaan-gelinta ururada siyaasadda iyo diyaarinta dhammaan habraacyada iyo xeerarka as’aasiga ah ee barnaamijkan, waxaana diiwaan-gelinta codbixiyaasha kadib loo gudbi doonaa doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku salaysan qof iyo cod.

Bartamaha sannadkan 2021, waxa qorshaysan in doorashooyin hordhac ah laga qabto saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, islamarkaana bilowga sannadka dambe degmooyinka oo dhan laga qabto doorashooyinka dowladaha hoose oo qof iyo cod ah.

Haddaba, maxaa ka hirgelay ballan-qaadkii madaxweyne Deni ee arrimaha dimoquraadiyaynta?

7 January 2019, madaxweyne Deni oo markaas murashax ahaa, ayaa khudbad uu Baarlamanka u jeediyay ku ballan-qaaday, in haddii la doorto uu sannadka u horreeya ku bilaabi doono barnaamijka xisbiyada badan.

17 August 2019, oo ku beegan todoba bilood kadib markii la doortay, ayuu madaxweyne Deni magacaabay guddiga KMG doorashooyinka Puntland, waxaana Baarlamanku ansixiyay 16 November ee isla sannadkaas 2019.

14 December 2019, waxa si rasmiya loo daah-furay qorshe-hawleedka iyo jadwalka guddiga ee ku aaddan taabba-gelinta barnaamijka dimoquraaddiyaynta, si shacabka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

15 December 2019, guddiga ayaa bilaabay diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Puntland oo saddex wareeg kadib la dhammaystiray 1-dii August 2020, kaas oo ay ka soo baxeen 10 urur siyaasadeed.

15 August 2020, waxaa shahaadooyin la siiyay 10-ka urur siyaasadeed ee ka soo gudbay dhammaan shuruudihii diiwaan-gelinta, kana qayb-geli doona doorashooyinka golayaasha degaanka.

4 February 2021, xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa ansixiyay xeerka diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo uu soo diyaariyay guddiga, islamarkaana qeexaya habka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha.

13 February 2021, guddiga KMG doorashooyinka Puntland, ayaa ansixiyay seejooyinka doorashada iyo goobaha cod-bixinta saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo laga qaban doono doorashooyin hordhac ah.

14 February 2021, waxa guddigu shaaciyay seejooyinka iyo goobaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee saddexda degmo oo kor ku xusan, kuwaas oo bartahama sannadkan 2021 laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo qof iyo cod ah.

16February, waxa la ansixiyay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood, ayna ku jiraan xubnaha sare ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo xubno laga soo xulay bulshada kale.

Sidoo kale, guddigu wuxu dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland ka sameeyay wacyi-gelin ku saabsan barnaamijka xisbiyada badan, isagoo kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulsada iyo ururada siyaasadda.

1 March 2021, guddiga TPEC, wuxu xaruntiisa kula shiray wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo ay wada-shaqayn leeyihiin sida wasiirka Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda, Dhalinyarada iyo warfaafinta.

11 March 2021, guddoomiyaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre oo marti ku ahaa barta xiriirka bulshada ee loo yaqaan ‘Club House’ ayaa shaaciyay in la dhammaystiray dhammaan habraacyada iyo xeerka hannaanka xisbiyada badan.

9 May 2021, oo ku beegan maanta, ayuu sidoo kale guddigu la wareegay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha, waxaana diiwaan-gelinta kadib loo gudbayaa doorashooyinka tijaabada ah ee bartamaha sannadkan.

The post PUNTLAND MA HAYSAA WADADII DOORASHO QOF IYO COD AH? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this