Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadhaadigii Jabhadii ONLF oo usoo qaashaaratay inay fidno ka dhex abuuraan Dadka Walaalaha ah ee reer Awaare.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

20210509_104955-150x300.jpg maxresdefault-2-1-300x169.jpg

 

Hadhaadigii Jabhadii ONLF oo usoo qaashaaratay inay fidno ka dhex abuuraan Dadka Walaalaha ah ee reer Awaare.

Asalaamu Calaykum

Iyada oo lagu jiro casrigii horumarka, wax wadaqabsiga iyo iskaashiga dadweynaha uu Eebbe ku uumay geeska Afrika, isla markaasna ay Shucuubta ku nool Somaliland iyo Dawlad deegaanka Soomaalidu ay bilaabeen iskaashi ay Nolol ku abuurtaan, una soo jeesteen dhismaha Jidadka iyo fududaynta ganacsiga iyo isu socodka, ayaa waxaa dhinaca kale jira kooxo Nabad diid ah oo ka soo hor jeeda Horumarka iyo Nabada Gobolka ka hano qaaday.

Haddii aan hoos ugu soo daadego nuxurka qoraalkayga, degmada Awaare ee ku taalla dhinaca Koonfur Bari ee Itoobiya waxay Xudun u tahay Nabada iyo Horumarka ka bidhaamaya Geeska Afrika, waa meel ay si Nabad ah oo walaalnimo ah ay u wada nool yihiin Labada Beelood ee Ogaadeen/reer Isaaq iyo Ciidagale oo labaduba ka daalay dagaalo boqolaal sanadood socday oo ay jiilal badani ku riiqmeen, nasiib wanaagse aan tan iyo sanadkii 1987 la soo sheegin wax Colaad ah oo dhex marta labadaas beelood. Labadan beelood oo caan ku ahaa dagaalo aad u qadhaadh oo dhex mara xilli kasta, waxa uu ay garawsadeen inaanay cidina ka macaashayn dagaal ee ay fiican tahay in Nabad la helo.

Gabayaa Ogaadeen ahaa oo caan ahaa oo la odhan jiray Xarbi dheere oo khatyaan ka istaagay dagaalkaas dheeraa ee bilaa micnaha ahaa ayaa wuxuu yidhi Allahayow Anaga iyo Ciidagale markaad abuuraysay maad mid abuurkiisa ilowdid, kol hadii aanu isku dhamaanayno. Gabaygii Xarbi dheere waxaa ka mid ahaa;

“Annagiyo irdaha Ciidagale, waan isku idlaane
Hadba aarankii kaca, sidii ood ha loo jaro’e
Bal abuuritaankayagi hore, maa mid la illaawo”

Allah Mahadi haka gaadhee labadaas beelood ee Ogaadeen iyo Ciidagale waxay ku wada daaqayeen Nabad iyo Walaalnimo keentay in baadida Geella la isu celiyo iyada oo geel qaadkii iyo dhibtii dagaalada laga ilbaxay.

Magaalada Awaare oo ka mid ah meelaha aan ugu jecelahay dhulka Hawd, waxa wada dega oo si Nabad ah u wada leh labadaas reer ee aynu kor ku soo sheegnay oo aan reerna reer kale marti u ahayn ee la wada deggan yahay.

Magaalada Awaare waxay ahayd halkii uu ku yaallay dugsigii Tababarka ee Ururkii SNM, waana meesha uu ku aasan yahay Allah ha u naxariistee Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo geesiyaal kale oo badani, mana aha meel si yar oo fudud ay ONLF iyo fidmawale kale wax dhib ah ka samayn karin.

Hadhaadigii ONLF waxay doonayaan inay carqaladeeyaan horumarka ay deegaanadaas ka wadaan Madaxweyne Maxamed Cumar iyo Xukuumadiisa, iyo Dadka deegaanka oo dhexda u xidhay horumarinta Jidka isku xidha Awaare ilaa Berbera oo ay hawshiisu xawli ku socoto.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Dadweynaha reer Awaare ee Walaalaha ah inay ka digtoonaadaan hadhaadiga ONLF ee fidmada wada, kana hor tagaan cidii carqaladaynaysa horumarkooda iyo nabadgelyada Mandiqada.

Kalsooni weyn ayaan ku qabaa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Maxamed Cumar oo isaga laftiisu asal ahaan u dhashay degmada Awaare, isla markaasna ah hogaamiye Qowmi ah oo fahman horumarka uu Gobolku higsanayo, waajibna ay tahay in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo carqaladaynaysa horumarkaas.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this