Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Farmaajosaamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu.

Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.
183803411_4009799399104508_6254577503219 183983994_4009800095771105_8872945085103 184285523_4009799279104520_4839615965680 183991423_4009799402437841_3638024405796 183759287_4009799379104510_6017746781970 Cabdi-Nuur-Abdi-Nur.jpeg 184029475_4009799852437796_1534592967685 183867449_4009799842437797_2347455304055 183787265_4009799765771138_2090017776473 184146192_4009799789104469_1739698169091 183320275_4009799775771137_1730316169483 Gabayre.jpeg Bayle-Beyle.jpeg 

The post Sawirro: Muxuu Farmaajo kala hadlay ganacsatadii uu xalay kula shiray Villa Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this