Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiine Laga Baqay!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirkii cawleede

Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede

Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e.

Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe

Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye

Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e

Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye“ Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)

IMG-20210508-WA0029.jpg?resize=1000%2C56Gaantaalka Shiimuhu diray oo la filayo inuu dhulka ku soo dhaco.

Dunida oo la kufaakacaysa fayruska COVID-19 oo Shiinaha ka soo billowday ayay dunidu ku baraarugtay Gantaal Shiine diray oo dhulka ku soo dhacaya Axadda. Shiine wuxuu ka mid noqday dalal gabayaagii Soomaaliyeed Qaasim ku tilmaamay kuwo dayaxa kala boobaya.

Nin Maraykan ah ayaa sanadkii hore sheegay in laga yaabo in Shiinuhu Coronavirus soo diray kaddib markii Galbeedku arrimmaha Shiinaha faraha kala bixi waayeen. In ka badan sanad Coronavirus ayaa dunida silsilaya.

Dayaxgacmeedka dhulka ku soo dhici doona waa ilaa dhowr iyo labaatan tan. Waa suurtogal in Shiinuhu cilladeeyay dayacgacmeedka si uu Galbeedka u tuso inuu karti u leeyahay aloosidda Dagaalka Xidigaha aan ka dhicin kii Maraykanku ugu hanjabay Midowgii Soofiyeeti ka hor 1991kii.

IMG-20210508-WA0030.jpg?resize=1000%2C56Meelaha loo malaynayo inuu gantaalka habawga ahi ku soo dhaco.

Way u caddaatay Galbeedka in Shiinaha aan dib loo celin karin. Taiwan hadda waxaa lagu tilmaamaa meesha ugu halista badan dunida. In Shiinuhu soo weeraro Taiwan ayaa laga cabsanayaa.

Gantaalka habawga ah halistiisu ma badna, ayuu yiri sarkaal u hadlay dowladda Shiinaha. Inuu saxare ku yaal Afrika gantaalku ku soo dhaco ayay u badan tahay, sida uu sheegay xeeldheere u kuurgula dayaxgacmeedyada. Shiinuhu wuxuu doonayaa in boos ka qabsado rugta caalamiga ee dayaxgacmeedyada.

Hindiya ayaa dhowr sano ka hor dirtay dayaxgacmeed fashilmay laakiin uma calool-adaygin sida Shiinaha oo fashilka dayaxgacmeedkiisa ka dhigay mid mudan in dunidu ka welwesho. Shiine laga baqay ayaa beddeshay Shaagle laga baqay.

W.Q. Siciid D. Abshir

The post Shiine Laga Baqay! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this