Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadaad caan ka ah Itoobiya oo Xukumada Abiy ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaad caan ka ah Itoobiya oo Xukumada Abiy ku eedeeyay inay xasuuq ka geysatay Tigray

abuna.jpg
Itoobiya waxay beenisay in tacaddiyo ay u geysatay dad rayid ah

Madaxa ugu sarreeya kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda inay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Abune Mathias ayaa sheegay in dowladda habeen iyo maalinba ay ka shaqeyneysay sidii ay u burburin laheyd gobolka.

Wadaadka oo qudhiisu kasoo jeedo Tigray ayaa sheegay in uu is xakameynayay markii uu dagaalka ka qarxay gobolka, waana markii ugu horreysay uu ka hadlo xaaladda Tigray.

Wuxuu intaas ku daray in xitaa xasuuq laga fuliyay gudaha kaniisado.

Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysatay inay beegsaneysay hoggaanka TPLF balse aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this