Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Laga Filayaa Ka Qayb-gelayaasha Barnaamijka Shaqo-Qaran Qormada 4’aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Barnaamijka Shaqo-Qaran waa barnaamij ku sifaysan in dhallinyaradu aaminaan diintooda iyo dalkooda, una helaan fakaak dadkooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan duruuf kasta, isla markaana karaamo ku dhexyeeshaan bulshadooda Somaliland. Sidoo kale, dhallinyarada ka qaybgelaysa barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa leh karaamo, hab-dhaqan suuban, oo laga dheehan karo muddakarnimo, masuuliyad iyo sharaf ay yeeshaan kolka ay Qarankan u adeegayaan. Dhallinyarada ka soo baxa Barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan kuwa lagu soo hirto, oo loogu marag furo daacadnimo, amaano, run sheeg, ballan oofin, xil-gudasho suuban iyo is-xilqaan kolka ay masuuliyadda Qaranka qaadaan.

Dhallinyarada ku jirta Carbiska Shaqo-Qaran waxaa laga rabaa in ay noqdaan kuwa naxariis, kalgacal, iyo wanaag ku qaabila dadkay u adeegayaan, ayna si hagar la’aan ugu shaqeeya qarankooda, dadkooda, dalkoodana ugu adeega caddaalad iyo sinnaan. Dhallinyarada waxaa lagu carbiyay wadaniyad buuxda oo ka dhan ah in ay noqdaan kuwa ka madhan dhaqanada liita sida: eexda, musuqmaasuqa, gobolaysiga, qaraaba-kiilka, qabyaalada IWM.

Ugu danbayntii dhallinyaradan waxay u carbisanyihiin in ay bulshadooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan si’ mutadacwimo ah markay la soo gudboonaato, iyaga oo ku kalsoon in ay ku meel maraan kartidooda, aqoontooda, anshaxooda iyo khibradda ay ka barteen Carbiska Mudadii Saddexda bilood ahayd.

Sadam Osman Kaabash
Medical lab Technologist
Freelance Jornalist.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this