Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Doxa (Caasimada Online) – Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo go’naa ku dhawaad lixdii bilood ee u dambeysay.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta oo go’aansaday inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii Diplomasi, waana tallaabo wanaagsan oo geesinimo leh, waxaan u rajeenayaa labada dal ee dariska ah, inay amniga iyo xasiloonidoodu waarto, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

أتقدم بالتهنئة إلى كل من فخامة الرئيس فرماجو وفخامة الرئيس كينياتا على قرارهما الحكيم والشجاع بإعادة العلاقات الدبلوماسية بين الصومال وكينيا. تمنياتنا الخالصة للبلدين الجارين وشعبيهما بالأمن والاستقرار، كما أؤكد أن دولة قطر ستبقى دائما ساعية في سبيل الخير وصانعة للسلام.

— تميم بن حمد (@TamimBinHamad) May 6, 2021

Ergeygii ay dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya, Dr. Mutlaq al-Qahtani, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda Soomaalida kadib, waxa uu maalin ka hor tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bogga twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa maanta lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qatar uu booqday Kenya, uuna la kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo horay uu ugu guul-dareystay urur goboleedka ay ka wada tirsanyihiin ee IGAD, ayaa hadda sida muuqata waxaa ku guuleysatay dowladda Qatar.

15-kii bishii December ee sanadkii hore ee 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay si caro leh u joojisay cilaaqaadkii kala dhaxeysay Kenya, waxaana dhammaan diblomaasiyiintii reer Kenya lagu amray inay Soomaaliya uga baxaan todoba cisho, halka diblomaasiyiintii Soomaaliya ka joogay Nairobi xilligaas lagu war-geliyey in deg deg ugu soo noqdaan dalka.

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Kenya wixii intaas ka dambeeyey ma yeelan kulamo fool ka fool ah, markii laga reebo shirkii ay Soomaaliya codsatay ee ka dhacay Jabuuti, kaas oo IGAD ay ku guuleysa weyday inay ku xaliso khilaafkaas.

The post Amiirka Qatar oo war kasoo saaray heshiiska uu dhex dhigay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this